Tababarkaan oo socon doono labo maalmood laguna baranayo gudbinta kiisaaska cul culs iyo ilaalinta Xuquuqda aadanaha ayaa waxaa ka faa’iideysanaya 50 haween ka tirsan ciidanka Booliska si ay qeyb uga noqdaan ka hortaga caqabadaha ay la kulmaan haweenka mararka qaar.
Waxaa soo qaban qaabiyay hay’adda SWDC, waxa ayna sheegeen in ay ugu talagaleen in la helo haween ciidanka booliska oo goobaha arrimaha bulshada ka howlgalo si looga fogaado tacadiyada iyo dhibaatoyinka haweenka.
Xildhibaan Mino Xasan Shibis oo ka tirsan golaha Shacabka iyo Senator Zamzam Daahir Maxamuud, golaha Aqalka sare baarlamaanka ee dalka oo madasha ku sugnaa ayaa ku dhiira galiyay tirada haweenka ku jira booliska iyo doorkooda waxa kaloo intaa ay ku dareen in gabdhaha jaamacadaha ka baxa looga baahanyahay in ay ku soo biiraan ciidanka booliska si qeyb uga noqdaan amniga Dalka.
Taliye ku xigeenka koowaad ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed sareeyo guuto Zakiya Xuseen, oo tababarka furtay ayaa ku dhiiri galisay gabdhaha Ciidanka Booliska waxaase ayaa sheegtay in taliska ciidanka booliska uu diyaar u yahay in hogaanada ciidanka ay ka mid noqdaan gabdhaha Soomaaliyeed.
Qaarada Africa tirada haweenka ku jira ciidanka booliska waxaa hogaaminayo dalka gana 20% gabdhaha ciidanka booliska, kaalinta 2aad waxaa ku jira dalka laberia 17%, kaalintaa sedexaad ee africa waxaa soo galay dalkeyna Soomaaliya oo 11% ay yihiin haweenka cidaanka Booliska waxaa xusid mudan ay 30 ki sano lasoo dhaafay ay dagaalo sokeeyay ka jiran dalka haatan uu dib u kabasho ku jira.