Kadib markii ay sii kordheen cabsida laga qabo xaaladaha baniโaadanimo ee kajira dalka ayaa wasaaradda Gargaarka dowladda Soomaaliya isugu yeertay hayโadaha samafalka,kaasi oo looga hadlayay arrimo la xiriira howlaha gargaarka dalka iyo ka hortagga dhibaatooyinka bani,aadanimo ee dalka ka jira.
Masโuuliyiinta wasaarddda Gar Gaarka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkan isugu yeeray dhamaan hayโadaha gar gaarka ee k a howlgala dalka,waxaana ay isla garteen sidii loo kordhin lahaa howlaha gargaar ee Soomaaliya,si loo bad baadiyo nolosha dad badan,lagana hortago dhibaato kasta oo ka dhalankarta xaaladaha baniโaadanimo.
Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Soomaliya Xamsa Siciid Xamsa oo shirkaasi kadib warbaahinta lahadlay wuxuuna faah faahiyay waxyaabihii shirkaasi looga hadlay.
โShirkan wuxuu ku saabsanaa xaaladaha baniโaadanimo ee dalka kajira,waxaan la kulanay hayโadaha samafalka ee dalka ka howlgala,waxyaabaha aan diiradda ku saarnay ayaa ah sidii hayโadahaasi ay u kordhin lahaayeen howlaha samafalka ay dalka ka wadaan,si looga hortago dhibaatooyinka baniโaadanimo,si loo badbaadiyo nolosha bulsho badanโ. Ayuu yiri Wasiir Xamza.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirtaa sidii looga gaashaaman lahaa waxyaabaha keena dhibaatooyinka abaaraha ee soo laa laabta iyo sidii bulshada dhibaataysan looga caawin lahaa in ay helaan biyo daryeel nololeed.