Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

shir looga hadlay nadiifinta Minooyinka dhammaan dhulka Soomaaliya oo ka dhacay Switzerland+Sawiiro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 11, 2019
in Wararka
0
shir looga hadlay nadiifinta Minooyinka dhammaan dhulka Soomaaliya oo ka dhacay Switzerland+Sawiiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

22-kii bishii hore ayaa shir wadatashi oo ay soo qaban qaabisay Ha’yadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miinooyinka waxaa lagu martiqaaday Wasaraada Aminga Gudaha Soomaaliya iyo hay” adda SEMA oo u qaabilsan Wasaarada arrimaha miinooyinka iyo qataraha ka dhasha.

 

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Shirka oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa wafdiga Dowladda Federaalka uga qeyb galay waxaa hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse,waxaa kale oo shirka ku wehlinayay Amb: Faadumo Insaaniya oo iyada kaalin muhiima ah ka qaadatay shirkaas una gudbisay Hay”daha ka shaqeeya arrimaha miina baarka ee jooga UNka iney sida dhow  ula socon doonto howlaha Miina Baarka Soomaaliya.

Shirkaas oo ahaa labo waji ayaa wajiga hore waxaa ka hadlay Wasiir ku- xigeenka Amniga Gudaha,wuxuuna sheegay iney jiraan qorshaha howleed lagu  xoojinayo caawinaada dadka ku waxyeeloobay Qaraxyada Miinooyinka iyo qataraha ka dhasha dadkaas oo u badan dumar iyo carruur.

Dowlada Federalka Soomaaliya iyo Ha”yada u qaabilsan Minooyin Qaramada Midoobay (UNMAS) ayaa isla gartay iney ka go”an tahay dhammeystirka iyo ka nadiifinta Minooyinka dhammaan dhulka Soomaaliya.

Wajiga labaad ee shirka ayaa diirada lagu saaray arimaha bani”aadanimada iyo sidii ahmid gaar ah loo siin lahaa nolosha dadka ku waxyeeloobay dhibaatooyonka miinooyinka iyo deegaanadooda oo ay qeyb ka yihiin Dhalinyarada iyo Haweenka.

Agaasimaha Hay”adda SEMA Xooshow iyo Sahro Cabdi oo ku hadleysay magaca Dhalinyarada ayaa warbixino muhiim ah ka soo jeediyay shirka qeybtiisa labaad,waxayna sheegeen muhiimada in si dhow loola socdo goobaha Qaraxyada miinooyinka lagu tuhusan yahay si aysan saameyn uga soo gaarin dadka rayidka ah.

Shirkaas kadib Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ee magaalada Geneva dalka Switzerland, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhaweeysay Safiirada Amb. Faadumo insaaniya , sidoo  kale Wasiir ku-xigeenka wuxuu la kulmay qaar kamida Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Switzerland,isagoona kula dardaarmay muhiimada midnimada iyo wadajirka ay leedahay iyo inay ka qeyb qataan dib u dhiska dalka.

 

Previous Post

Dowladda Federaalka oo sheegtay iney dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka

Next Post

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo la kulmay Madaxweynayaasha Soomaaliya, Ghana iyo Botswana

Next Post
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo la kulmay Madaxweynayaasha Soomaaliya, Ghana iyo Botswana

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo la kulmay Madaxweynayaasha Soomaaliya, Ghana iyo Botswana

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In