Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan wasiirrada maaliyadda iyo xannaanada xoolaha ayaa dalka Sacuudiga kula kulmay wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha boqortooyada Sacuudiga, Eng. Abdulrahman bin Abdulmohsen Al-Fadley.
Kulanka ay yeesheen wadfiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha boqortooyada Sacuudiga ayaa looga hadlay qorshaha xoolaha Soomaaliya loogu iib-gaynayo suuqyada dalka Sacuudiga.
Ra’iisul Wasaar ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray dalka Sucuudi Carabiya oo kamid ah dalalka xariirka walaaltinnimo ee soo jireenka ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya.