Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo kulan wadatashi ah u qabatay Hay’adaha fulinta iyo Sharci dejinta Galmudug “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo kulan wadatashi ah u qabatay Hay’adaha fulinta iyo Sharci dejinta Galmudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka wada-tashiga ah oo muhiimad ballaaran u leh horumarka dalka iyo deegaannada maamulka Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanada Baarlamaanka, Agaasimayaasha Hay’addaha Dawlad gobaleedka Galmudug iyo Madax ka socota Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

 

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

December 20, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025

Inta uu socday kulanka ayaa la qeexay hab-raaca Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad ,tiirarka uu ka kooban yahay, yaraynta saboolnimada iyo geeddi-socodka deyn cafinta Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Hay’addaha dowlad gobaleedkan Galmudug ayaa soo dhaweeyay wada-tashiga Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad oo ahmiyad weyn u leh Galmudug iyo guud ahaan dalkaba.

Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka  Galmudug ee ka soo kala jeeda dhammaan  deegaannada maamulka ayaa soo bandhigay xogaha dhabta ah ee ka jira deegaannada qaar ee ay gacanta ku hayso Galmudug iyo xaaaladaha ka jira, isla amrkaana soo badnhigay hannaanka saboolnimada halkaasi ka jirta.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa soo bandhigay talooyin ku aaddan waxa sababay saboolnimada ka jira deegaannada Maamulka Galmudug iyo qaabka hadii la qorsheeyo looga baxi karo, wax ayna Golaha Wakiillada Galmudug bogaadiyeen qaabka wanaagsan ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ay u waddo wada-tashiga Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad.

Wasiirka Qorshaynta Dowladd gobaleedka Galmudug  Mudane Cabdi Kafi Maxamed Maxamuud ayaa qiray in howl adag maalmahan Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradda Qorsheynta Galmudug ay wadeen oo ku aaddan Wada-tashiga Qorsaha  Horumarinta Qaranka 9aad, ka Galmudug ahaana qiimo wayn ugu fadhiyo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Asad Yusuf Qanyare ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka socata Dowladd gobaleedka Galmudug iyo sida wanaagsan oo ay ugu qeyb qaateen wada-tashiga Qorshaha Horumarinta Qaranka 9aad.

Agaasime Asad ayaa sharraxay muhiimadda wada-tashiga uu u leeyahay dalka iyo in la dhageysto ummadda waxa ay leedahay loona qorsheeyo  “ hada wareegga kowaad ee Qorshaha Horumairnta Qaranka Sagaalaad ayaan ku jirnaa waxaan Sameyn doonaa ilaa sadax wareegg kale oo aan la yeelanayo dhamaan umadda Soomaaliyeed meel walbo ay joogan, waan idinku soo laaban doonaa si aan u dhageysano taladiina”

Previous Post

R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo Ankara uga qeyb galay Doorashada Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga “SAWIRRO”

Next Post

Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Looga Hadlay Xulashada Hannaanka Federaalaynta Maaliyadda “SAWIRRO”

Next Post
Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Looga Hadlay Xulashada Hannaanka Federaalaynta Maaliyadda “SAWIRRO”

Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Looga Hadlay Xulashada Hannaanka Federaalaynta Maaliyadda "SAWIRRO"

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Sabti, 20ka December,2025 1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho kooban ku tegay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(QAAHIRA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa...

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In