Friday, December 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo soo xeray shirka madasha Wadajir + sawirro

caqiil by caqiil
7 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo soo xeray shirka madasha Wadajir + sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo socday sadaxdii maalin ee la soo dhaafay waxa uu ahaaa kii laba iyo tobnaad ee madasha Wadajir oo ay ku kulmaan wasaaradaha arrimaha Gudaha, Dib u heshisiinta dowlad goboleedyada, gobolk Banaadir iyo daneeyayaasha dhismaha golayaasha deegaannka.

 

Related posts

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025

Madasha shirkani waxaa ku soo biiray hey’adda Qaxootiga  iyo barakacayaasha heer qaran iyo heer dowlad goboleed iyo sidoo kale hey’addaha Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo shirka soo xeray waxa uu sheegay in dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka dalka ay muhiim u yihiin dowladnimada ayna ka wada shaqeynayaan hey’adda ka shaqeeya heerarkooda kala duwan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Maxamuud Maxamed Samatar (Duraan), Wasiirka dib u heshiisiinta Hirshabeele Cabdikariim Cali  Nuur iyo agaasimaha guud ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir oo ku hadlay afka ka qeyb galayaasha shirka ayaa tilmaamay inay dhaqan galinayaan qorshaha lagu dajiyay iyo qodobada la isku raacay ee war murtiyeedka shirka.

Ugu dambeyn shirka waxaa laga soo saaray toban qodob oo ay isku raaceen ka qeyb galayaasha kuwaas oo nuxurkoodu ahaa dardar galinta dhismaha golayaasha deegaanka, dhaqan galinta hannaanka dhab u heshiisiinta qaranka, xal waara sidii loogu heli lahaa dhibaatooyinka barakacayaasha iyo xasilinta.

 

 

 

Previous Post

Xukuumadda oo Meel Marisay Hindise Sharciyeedyo, Siyaasado iyo Heshiisyo

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar, 25, 2025; Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa maanta codkeeda ka dhiibatay Seejada Xarunta...

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayso Marwada Koowaad ee dalka Marwo...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

December 25, 2025
0

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda oo ku hadlaysa magaca dhammaan diblumaasiyiinta safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

December 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga dhiibtay codkiisa doorashada Golaha Deegaanka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In