Thursday, August 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Booliska Kenya oo xabsiga dhigay dad lagu tuhmayo dilka Gabar Soomaaliyeed oo ka dhacay Nairobi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Booliska Kenya oo xabsiga dhigay dad lagu tuhmayo dilka Gabar Soomaaliyeed oo ka dhacay Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Booliska Dalka Kenya ayaa afar Haween ah u taxaabay Xabsiga, kuwaas oo loo haysto kufsi iyo dil loo geystay Ismahaan Cabdisalaan oo maalmo ka hor ka dhacay Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

August 20, 2026
Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026

Haweenka la qabtay ayaa waxaa ka mid ah Ismahaan eeddadeed oo lagu magacaabo, Nadiifo Maxamed, taas oo loo malaynayo in ay soo maleegtay shirqoolka lagu dilay Gabadha.

Gabadhan oo kasoo jeedda Soomaaliya, ayaa kufsiga iyo Jir-dilka lagu sameeyay ka sokoow waxaa loo Isticmaalay aashito, sida lagu daabacay maanta oo Jimca ah Wargeyska The Star ee kasoo baxa Dalka Kenya.

Ismahaan Cabdisalaan, oo ahayd 14 jir dhigata Fasalka Todobaad ee Dugsiga Dhexe ayaa ku noolayd Guriga Eeddeadeed Nafiifa xilligii la kufsanayay, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqul Insaanka u doodda ee Florence Kanyua.

Guriga ay ka tirsanayd Ismahaan, oo ay sidoo kale ku noolaayeen, Rag badan, Haween iyo Carruur ayaa dhalisay tuhumada la xiriirta in Gabadhan keligeed la kufsado, kadibna la dilo, sida ay Boolisku sheegeen.

Waxa kale oo ay Boolisku shaki ka muujiyeen sababta keentay in la qariyo meydka Gabadha oo la la’aa muddo afar cisho ka hor inta aan la helin maalintii Sabtida.

Waxaa weli soconaya baarista kiiska la xiriira kufsiga iyo dilka Allaha u naxariistee Ismahaan Cabdisalaan, iyadoo dadkii gacanta ka geystayna la marin doono caddaaladda sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska Kenya.

Previous Post

Muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu Maxkamadeynayo Dalka Maraykanka

Next Post

Daawo+Sawirro” Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo kormeer ku sameeyay Xaruumaha Waxbarasho ee Koonfurta Mudug”

Next Post
Daawo+Sawirro” Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo kormeer ku sameeyay Xaruumaha Waxbarasho ee Koonfurta Mudug”

Daawo+Sawirro" Mas'uuliyiin ka tirsan Galmudug oo kormeer ku sameeyay Xaruumaha Waxbarasho ee Koonfurta Mudug"

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

August 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa Talaadadii khadka taleefanka wada-hadal ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Boqortooyada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In