Thursday, December 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Booliska Kenya oo xabsiga dhigay dad lagu tuhmayo dilka Gabar Soomaaliyeed oo ka dhacay Nairobi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Booliska Kenya oo xabsiga dhigay dad lagu tuhmayo dilka Gabar Soomaaliyeed oo ka dhacay Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Booliska Dalka Kenya ayaa afar Haween ah u taxaabay Xabsiga, kuwaas oo loo haysto kufsi iyo dil loo geystay Ismahaan Cabdisalaan oo maalmo ka hor ka dhacay Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025

Haweenka la qabtay ayaa waxaa ka mid ah Ismahaan eeddadeed oo lagu magacaabo, Nadiifo Maxamed, taas oo loo malaynayo in ay soo maleegtay shirqoolka lagu dilay Gabadha.

Gabadhan oo kasoo jeedda Soomaaliya, ayaa kufsiga iyo Jir-dilka lagu sameeyay ka sokoow waxaa loo Isticmaalay aashito, sida lagu daabacay maanta oo Jimca ah Wargeyska The Star ee kasoo baxa Dalka Kenya.

Ismahaan Cabdisalaan, oo ahayd 14 jir dhigata Fasalka Todobaad ee Dugsiga Dhexe ayaa ku noolayd Guriga Eeddeadeed Nafiifa xilligii la kufsanayay, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqul Insaanka u doodda ee Florence Kanyua.

Guriga ay ka tirsanayd Ismahaan, oo ay sidoo kale ku noolaayeen, Rag badan, Haween iyo Carruur ayaa dhalisay tuhumada la xiriirta in Gabadhan keligeed la kufsado, kadibna la dilo, sida ay Boolisku sheegeen.

Waxa kale oo ay Boolisku shaki ka muujiyeen sababta keentay in la qariyo meydka Gabadha oo la la’aa muddo afar cisho ka hor inta aan la helin maalintii Sabtida.

Waxaa weli soconaya baarista kiiska la xiriira kufsiga iyo dilka Allaha u naxariistee Ismahaan Cabdisalaan, iyadoo dadkii gacanta ka geystayna la marin doono caddaaladda sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska Kenya.

Previous Post

Muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu Maxkamadeynayo Dalka Maraykanka

Next Post

Daawo+Sawirro” Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo kormeer ku sameeyay Xaruumaha Waxbarasho ee Koonfurta Mudug”

Next Post
Daawo+Sawirro” Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo kormeer ku sameeyay Xaruumaha Waxbarasho ee Koonfurta Mudug”

Daawo+Sawirro" Mas'uuliyiin ka tirsan Galmudug oo kormeer ku sameeyay Xaruumaha Waxbarasho ee Koonfurta Mudug"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa kulan miro-dhal ah...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

December 17, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo ka jirta deegaanada maamulkaasi....

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in guddigu uu bilaabayo daabulidda qalabka rasmiga ah ee lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In