Dood waxaa diirada lagu saaray maaraynta kala’ri duwanaanta oo ay Madsha Kulan ee fikradaha iyo dooduhu-Kulan Forum for ideas and debates soo qaban-qaabisay ayaa lagu qabtay magalaada Moqdishu
Dooddan furan ayaa waxaa ka soo qaybgalay haldoorka bulshada-gaar ahaan dhalinyarada, macalimiinta dugsida sare, saxafiyiin iyo agaasimyaal warbaahineed.
Ustaad Cabdirxaman Macali Ahmed Ablaal oo ka mid asaasyaashii waxbarashada ahliga ah kadib burburkii dalka iyo hoggaamiye bulshada rayidka ah , Maxamed Ibraahim Macalimuu- Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka sidoo kalana u dhaqdhaqaaqa xoriyatul qowlka, Axmed Cabdihadi agaasimaha madasha Kulan Forum, iyo Maxamed Dugow oo ah aqoonyahan da’yar oo arimaha dhalinyarda u dhaqdhaqaaqa ayaa horseed (Panelist) ka ahaa dooda.
Doodan oo si qodo dheer mowduuca la iskula lafa guray ayaa waxaa xoogga lagu saaray sidii meesha looga saarilahaa gacan ka hadalka ka dhasha kala ra’yi duwanaanta.
“ Soomaaliddu waxay tirahaadaa nin aan warankaagu gaarin, weedhaado ma gaarto, taasi waxay tusaale u tahay in aan nahay bulsho gacan ka hadalku u sahlanyahay” waxaa saas Yiri Maxmed Ibrahim Mocalimuu.
Wax ka badalka qaab fikireedka bulshada si loo gaaro is ogol bulsho oo ceebaysata gacan ka hadalka “ waa in aan ka shaqaynaa sidii ay ceeb u noqon lahayd in qof loo gacan qaado iyo in uu asago gacan qaad arin ra’yi kala duwaansho ka dhalatay owgeed” waxaa saas yiri mid ka mid ah dhalinyardii aqoonyahnada ahayd ee dooda ka soo qaybgalay.
Dr Abdirxmaan Macalin Axmed (Ablaal) ayaa asna dhiniciisa sheegay in dhammaan arimaha ay ka dhashaan ama sababab gacan ka hadalka ay tahay in xal loo raadiyo “ arimaha khayraadka, xukunka iyo arimaha kale ee keeni kara agacan ka hadal Balaaran waa in xal loo helaa” Ustaad Ablaal.
Waxaa kaloo la soo jeediyay in manhjaka waxbarashada ee iskuulada lagu daro xiisado iyo cashiro jiilka da’yarta ah lagu baro kala ra’yi duwanaanta iyo in ay tahay lagama maarmaan bulsho.
“Bulshooyinka qaar ayaga oo aad kula gaddisan ayay haddana wada noolyihiin kadib markii ay samaysteen astaamo (values) iyo qaab fikireed u suurta galinya wada noolaasho wadareed” waxaa saas yiri agaasimaha Madasha Mr Axmed Cabdihadi
Madasha Kulan Forum for ideas and debates ayaa u taagan in la helo bulsho wadahadalka iyo isku dulqaadashadu u tahay wax ugu sareeya ee ay ku faanto.