Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Burcad isugu jiro Ciidan iyo Maleeshiyo oo la xukumay.

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Burcad isugu jiro Ciidan iyo Maleeshiyo oo la xukumay.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho- TaliskaΒ  Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dadaal ugu jiray sidii la isugu furi lahaa waddooyinka gobalka Shabeelada Hoose oo la sheegay in dhaweydba in ay ka jireen cabashooyin ka imaanayay dadka ee la xiriira jid-gooyooyin ay dhigtaan rag ku labisan dareeska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Iyadoo taasi laga duulayay ayaa Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Odowaa Yuusuf Raage waxa uu bilaabay nadiifinta waddada u dhaxeysa Aafgooye iyo Muqdisho.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Intii uu howlgalka siffeynta ah ku jiray ayuu la kulmay maleeshiyaad isuguΒ  jiro shacab iyo Ciidan oo ku hubeysan hub kala duwan, waxa ayna Ciidamada xoogga dalka ka soo qabtaan shan ruux oo laba kamid ah yihiin Ciidan halka sedaxda kale ay ahaayeen caawiya-yaal hubeysan oo jidgooye u tiilay meel xooga u jirta Mukayga oo ah bar ciidamada dowaladdu leeyihiin taasi oo lagu hubiyo dadka isaga kala goosha halkaas.

Waxa ay shantan eedeysane isticmaalayeen farsamooyinΒ  ay isugu ekeysiinayaan in ay yihiin ciidamo dowladdu u wakiilatay canshuur qaadis balse waxa ay ahaayeen burcad dhuumaaleysi ku joogay halkaasi, 05-01-2019 ayaaΒ  la soo xiray dhammaan eedeysanayaasha, waxaa lagu wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxaΒ  uuna xafiiska codsaday 13-01-2019 in eedeysanayaasha la geeyo xabsiga dhexe gar-sug ahaan.

Muddo ayay Β ku qaadatay XafiiskaΒ  baarista kiiskan, waxa ayna 12-03-2019Β  codsadeen xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda, iyadooΒ  laba cisha kadib loo ballamay maxkamadeynta 1- s/le X Maxamed Cali Cabdi Cali Cibaar 2- S/a/le Maxamed Cismaan Camaleey 3- Cabdifitaax Cali CabdullaahiΒ  4- Axmed Cabdi RoobleΒ  5-Maxamed Cumar Diini.

Xafiiska ayaa horkeenayΒ  Maxkamadda Caddeymo ay kamid yihiin Booono been abuur ah,Β  sedax qoray AK, RPG, Bistoolad.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in raggan aysan kaliya ahayn burcad balse ay dadaal kasta ku bixiyeen dhacca dad-weynaha, waxa uu ka hor sheegay garsoorka inΒ  dambiga ay galeen ay Β ku dareen kala geynta shacabka iyo dowladda maadama ay sameysteen boono been abuur ah taasi oo kalifi kartay dadweynaha iyo dowladda in lagu kala fogeeyo, waxa uu ka codsaday garsoorayaahsa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Side in la mariyo ciqaab adag oo tusaale u noqota kuwa kale in aysan ku dhiiran farsamooyin nuucaas oo kala ah.

Abuukatayaasha u dooday eedeysanayaasha ayaa ku dooday in ragganΒ  loo naxariisto lana mariyo ciqaab dishibliin oo aysan maxkamadda ku fogeyn xukunka.

Doodda dhinacyada dacwadda oo waqti badan qaadatay caddeymaha la horkeenay Maxkamadda iyo qiraalka eedeysanayaasha kadib ayay ugu dambeyn go’aan ka gaartay Maxkamadda Darajada koowaad Β eedeysanayaasha, waxa ayna kuwada xukuntay min (8)-Sideed sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysanayaahsa aya heysta fursad ay ku dalban karaa Rafcaan.

Previous Post

Shirka Saxafiyiinta dalalka Carabta iyo dalka Shiinaha oo ka furmay magaalada Beijing

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In