Munaasabadaan xariga looga jarayay Ceelbiyoodkaan laga hirgaliyay Deegaanka Ceeldibir ee Bariga Gobalka Mudug ayna mashruuciisa bixisay Haayadda IRC oo ka mid ah Haayadaha Samafal ee ka Howlgala Dalka ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmdug.
Masuuliyiinta ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Tammerta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug Mudane Axmed Shire Falagle,Guddoomiyaha Gobolka Mudug,Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Biyaha Galmudug, Madax ka socotay IRC, Maamulka Deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Ceeldibir.
Wasiirka Tammerta Galmudug Axmed Shire iyo Guddoomiyaha Gobalka Mudug C/rashiid Xaashi Cartan ayaa is wada jir ah u sheegay in Galmudug garab taagan tahay Bulshada ku nool Degaanada hoos yimaada Maamulka ayna isku tashadaan Reer Galmdug si looga baxo baahiyada jira waxayna Madaxda IRC kaga mahad celiyeen shaqooyinka ay ka haayaan Deegaanada Galmudug.
Guddoomiyaha Ceeldibir C/raxmaaan Shiikh Xasan ayaa sheegay inuu Ceelkaan ay hirgalisay Haayadda IRC uu ku soo aaday xili Bulshada Reer Ceeldibir iyo Deegaanada Hoos yimaadaa Baahi weyn u qabeen uuna kaga mahad celinaayo IRC dadaalka muuqda ee ay ku bixisay Ceeldibir.
Wasaaradda Tammerta iyo Khayraadka Maamulka Galmudug ayaa Wada socdaalo iyo dadaadlo ay ugu kuurgalayso Baahiyada la xariira Biyaha ee ay qabaan Bulshada Gobalka mudug Sanadkii lasoo dhaafay Warbaahinta qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan Xafiiskeeda Hobyo ayaa Baahiyay Biyo yari ka jirta Deegaanada iyo Degmooyinka dhaca Koonfurta Gobalka Mudug.