Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Macalimiin tabbabar loo soo xiray si ay wax u baraan carruurta aan lixaadkooda dhameystirneyn “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Macalimiin tabbabar loo soo xiray si ay wax u baraan carruurta aan lixaadkooda dhameystirneyn “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan oo aheyd mid tababar loogu soo xirayay ku dhawaad boqol arday  oo bartay luuqada wax lagu baro dadka aan wax maqli karin si ay u helaan waxbarasho  la mid ah mid ay helaan kuwa wax maqli kara ayaa maanta lagu qabtay magaalada Galkacyo.

 

Related posts

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026

Munaasabada oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin iyo xubno ka socday bulshada qeybahooda kala duwan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Maamulaha Dugsiga Dhagoolayaasha ee Galkacyo Cabdiraxmaan Axmed Kaarshe oo ka warbixiyay dadaalka ay u mareen in waxbarasho ay helaan carruurta aan wax maqli karin,( Kuwa maqal la’) waxaana uu sheegay in markii ay arkeen baahiyada ay qabaan carruurta dhagoolayaashaa ay u istaageen sidii loogu heli lahaa waxbarasho, taas oo uu xusay in dadaal dheer kadib ay u suurtagashay in ay furaan dugsi hoose Dhexe oo wax lagu baro carruurtaasi inkastoo uu sheegay in ay jiraan caqabado ku aadan dhanka goobta waxbarshada iyo agabkii wax lagu bari lahaa iyo sidooo kale mushaarkii macalimiinta.

Macalin Muuse Xasan Kadle oo ah macalinka tababarka siinayay ardayda la baray luuqada wax lagu baro dhagoolayaasha ayaa sharaxaad ka bixiyay sida wax loo bari karo carruurta aan wax maqli karin, isagoo sheegay in ay tahay mid fudud sidaa darteedna waalidiinta looga baahanyahay in carruurta dhagoolayaasha ay wax baraan, taas oo uu sheegay in ay xaq u leeyihiin waxaa sidoo kale Macalin Muuse uu ka codsaday Shirkadaha iyo Ganacsatadu in ka qeyb qaataan wax barida carruurta aan wax maqli karin ama kuwa lixaadkoodu kala dhiman yahay.

Guddoomiye Ku xigeenka Jaamacadda Galkacyo Muxyadiin Cabdullaahi Cabdi oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sharaxay kaalinta ay ka qaateen tababarida macalimiinta la qorsheynayo in ay wax baraan carruurta aan wax maqli karin iyo xaqqa ay u leeyihiin in ay waxbarasho helaan, isagoo sheegay in Jaamacaddu ay bixineyso dhaqaalaha qaar ka mid ah macalimiinta wax baraya carruurtaasi muddo hal sano ah.

Sidoo kale munaasabada ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinti iyo bulshadii ka qeyb gashay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen duqa Degmada Galkacyo, Xildhibaan Zahra Daadhir Mire oo si wada jir ah u sheegay in ay kaalin ka qaadan doonaan waxbarida carruurta aan wax maqli karin.

Gunaanadkii munaasabadda waxaa ka hadlay isku duwaha Wasaaradda Waxbarshada Galmudug Axmed Jaamac Aadan Qoodeey oo xusay in Wasaaradda Waxbarshadu ay mar kasta u taagantahay wax ka qabshada baahiyada Waxbarshada.

Munaasabadaan ayaa ujeedka loo qabtay waxa ay aheyd in lagu dhiiri galiyo bulshada wax barida carruurta aan laxaadkoodu dhameystirneyn gaar ahaan kuwa dhagoolayaashaa si ay u helaan xaquuqda ay helaan carruurta la midka ah.

 

Previous Post

Tartanka Ciyaaraha Fudud oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo qalab xafiiseed ku wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta “SAWIRRO”

Next Post
Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo qalab xafiiseed ku wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta “SAWIRRO”

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo qalab xafiiseed ku wareejiyay Taliska Ciidanka Asluubta "SAWIRRO"

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta ka qaybgalay kulankii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In