Wednesday, February 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobalka Hiiraan oo faah faahiyey howlgallo ka dhan ah argagixisada iyo duqeymo laga fuliyay Gobalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
In ka badan 15-Horjoogayaal Al-Shabaab ah oo lagu dilay Jubbada Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed Taakooy, oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka socdaan qeybo ka mid ah Gobolka, ayna jiraan duqeymo xagga cirka ah oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Related posts

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

February 4, 2026
Wasaaradda Qoyska XFS  oo u hambalyeeysay hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasaaradda Qoyska XFS oo u hambalyeeysay hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

February 4, 2026

Cabdiraxiin Muxumed Taakooy ayaa sheegay in guud ahaan xaalada amniga ee Gobolka ay tahay mid degan, ayna jiraan qorsheyaal lagu xoojinayo ammaanka, si looga hortago falalka ay argagixisada ku doonayaan inay ku dhibaateeyaan shacabka, isagoo intaa ku daray in duqeymihii ugu dambeeyay ee laga fuliyay Gobolka lagu dilay maleeshiyaad dhowr ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

“Duqeymaha waxa ay ka dhaceen dhanka Koonfur Galbeed iyo waqooyi bari  goobo kaga beegan Beledweyne oo ah meelo looga shakisanyahay inay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada, duqeymaha waxa ay ahaayeen kuwa bartilmaameed ku socday,  qasaaro badan ayaana loogu geystay argagixisada, lamana xadidi karo tirada looga dilay maleeshiyaadka Al-Shabaab” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Hiiraan ayaa tilmaamay in magaalada Beledweyne ay ka socdaan howlgallo amni xaqiijin ah si looga hortago dhagarta ay maleegayaan Argagixisada, isagoo shacabka ku booriyay inay sii labo jibaaraan la shaqeynta laamaha ammaanka ee Gobolka.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo bogaadiyey Howlgalada ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka

Next Post

Waa kuma Guddoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe?

Next Post
Waa kuma Guddoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe?

Waa kuma Guddoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe?

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

Madaxweyne Xasan oo Hay’adaha dowladda faray in shaqadooda ugu badan ay u weeciyaan gurmadka abaaraha

February 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday Xarunta gurmadka degdeg ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka,...

Wasaaradda Qoyska XFS  oo u hambalyeeysay hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasaaradda Qoyska XFS oo u hambalyeeysay hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

February 4, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka waxay bogaadinaysaa doorashada gudoonka Guddiga ee ay maanta Sameeyeen xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay mas’uuliyiin ka socday NIS Foundation

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay mas’uuliyiin ka socday NIS Foundation

February 4, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa xarunta Wasaaradda kula kulmay...

Danjire Yuusuf Jeego oo ka qeybgalay kulan muhiim ah

Danjire Yuusuf Jeego oo ka qeybgalay kulan muhiim ah

February 4, 2026
0

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Aljeeriya Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa ka qeyb galay kulan ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In