Saturday, June 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Xuska Sanadguuradda 59-aad ee Ciidanka Xoogga dalka “Sawirro”

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Xuska Sanadguuradda 59-aad ee Ciidanka Xoogga dalka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ka qayb galay kulan aqoon iswaydaarsi lagu soo qabtay Kenya

Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ka qayb galay kulan aqoon iswaydaarsi lagu soo qabtay Kenya

June 20, 2026
Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka oo heshiis iskaashi kala saxiixday

Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka oo heshiis iskaashi kala saxiixday

June 20, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda oo maalinta berri ah u dabbaal-degaya sannad guuradii 59-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay.

 

Madaxweynaha oo munaasabadda xuska maalintan kaga qayb galay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in si dardar leh ay u socdaan howlaha dib u dhiska ciidanka, tallaabooyin muuqdana loo qaaday tirakoobka, tayaynta iyo taageero u raadinta ciidanka.

“Haddii aan helno tayada iyo tirada ciidanka, haddii aan helno tirakoob sax ah, waxaan heleynaa taageerada caalamka iyo taageerada shacabka, Shabaabna hal maalin ma istaagi karaan oo waa xaqiiqo, hal saacad ma wajihi karaan Ciidamada Qalabka sida.”

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in niyad dhiska iyo garab istaagga ciidanka iyo in ay hoggaan fiican helaan ay ku xiran tahay guusha laga filan karo, wuxuuna ku ammaanay taliyeyaasha ciidamada in ay wax badan ka qabteen dib u habeynta hannaanka loo maamulo dhaqaalaha ciidanka, lana sameeyay nidaam ay si toos ah ugu heli karaan xuquuqdooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in cadowga argagixisada ah ay ka dulqaadaan dadkeenna, kana xoreeyaan dalka, arritaasna ay Dowladdu ka leedahay qorshe cad oo muddo la diyaarinayey.

“Ciidanka waxaan u tababareynaa qaabka ay u dagaallamaan, waxaana hubaa muddo yar oo kooban in aan ka adkaanayno, sidii hore ee aan ula dagaalayney Xamar markii laga bixinaayay sax bay ahayd, maxaa yeelay iyaguna dhufeysyo ayay ku jireen, innaguna dhufeysyo laakiin hadda qaab ka duwan oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ayay u dagaallamaan, marka waa in loo helo ciidan noocaas u tababaran.”

Madaxweynaha ayaa dul istaagay taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kaalintii ay ku lahaayeen gobonnimo doonka Qaaradda Afrika, iyaga oo door muuqda ka qaatay dhismaha ciidamada dalalkii xilligaas duruufaha adag ku jiray.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey saraakiishii soo hoggaamisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed doorkii ay ka soo qaateen tayeynta iyo kor u qaadista sumcadda uu leeyahay ciidankeennu, isagoona ku saraakiishaas, inta haatan ka joogta, ku dhiirrigeliyay dardargelinta kaalinta ay ku leeyihiin dib u dhiska ciidanka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka

Next Post

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Maamulaha USAID oo ku kulmay Washington

Next Post
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Maamulaha USAID oo ku kulmay Washington

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Maamulaha USAID oo ku kulmay Washington

Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ka qayb galay kulan aqoon iswaydaarsi lagu soo qabtay Kenya

Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ka qayb galay kulan aqoon iswaydaarsi lagu soo qabtay Kenya

June 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa soo gabagabeeyey barnaamij is-weydaarsi aqooneed oo socday muddo toddobaad ah,...

Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka oo heshiis iskaashi kala saxiixday

Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka oo heshiis iskaashi kala saxiixday

June 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Muhammad Al Jasser ayaa...

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In