Tuesday, November 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-Dowlaha Waxbarashada oo kulamo kula yeeshay Turkiga Masuuliyiin ka tirsan Dalkaasi

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiiru-Dowlaha Waxbarashada oo kulamo kula yeeshay Turkiga Masuuliyiin ka tirsan Dalkaasi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru Dawladdaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee DF Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Booqasho Shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Madax iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Turkiga, waxaana Kulamada ku weheliyey Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Jaamac Cabdullaahi Caydiid iyo u Qeybsamaha Safaaradda Soomaaliya Arimaha Tacliinta , Hiddaha iyo Dhaqanka Cabdicasiis Cabdiraxmaan.

 

Related posts

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025

Wafdiga Wasiiru Dawlaha ayaa Kulamo kala duwan la yeeshay Wasiirka Waxbarashada ee dalka Turkiga, Madaxda Hay’adda Tacliinta Sare ee Turkiga oo magaceeda loo soo Gaabiyo (YOK) iyo Masuuliyiinta Hey’adda Arimaha Diinta u qaabilsan Dawladda Turkiga.

Mudane Cabdiraxmaan ayaa sheegay in guulo laga gaaray Kulamada uu la yeeshay masuuliyiinta kala duwan, wuxuuna uga Warbixiyey Wasiirka Waxbarashada ee Turkiga Xaalada Waxbarasho ee Soomaaliya iyo Siyaasaadda iyo Qorsheyaasha Wasaarradda Waxbarashada , Dhaqan gelinta Heshiisyadii hore loo galay iyo Sidii Ardayda Soomaaliyeed looga Faa’iidayn lahaa Deeqaha Waxbarasho ee Turkiga.

Kulanka uu la yeeshay Hey’ada Tacliinta Sare ee Turkiga ayaa sidoo kale waxaa kasoo baxay go’aano miro-dhal ah, iyadoona Xal looga gaaray Culaysyo soo Wajahay Arday Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Turkiga.

“Runtii Kulankeena wuxuu ahaa mid xooga saarayay Ardayda Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Hey’adda Tacliinta Sare waxaanu ka wada hadalnay Sidii loo wada shaqayn lahaa Arrimaha Tacliinta Sare, Maadama ay dalkeena ka jiraan Jaamacaddo badan, Waxaana isla garanay in Ardayda hadda ku sugan Turkiga ee Waxbarashadu ka istaagtay, oo gaaraya ilaa 50-Arday in loo Ogolaado inay sii dhigtaan Jaamacaddaha Turkiga inta la soo cadeynayo Jaamacaddaha ay ka soo baxeen, waxaana Arintan loo yeelay Soomaalida oo keliya” ayuu yiri Wasiiru Dawladdaha Wasaaradda Waxbarashada DF Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Dalka Turkiga Axmed Cabdiqaadir Ismaaciil (Axmed Darwiish) ayaa sheegay in ugu dambayntii Wafdiga DFS ay kulan la yeeshay Hey’adda Arimaha Diinta u Qaabilsan dalka Turkiga, Waxayna si gaar ah uga wada hadleen qeybta ka khusaysa Wasaaradda Waxbarashada oo ku aadan Dugsiyadda Ardayda lagu Barro Culuumta Diinta.

Previous Post

Taliska Booliska oo kadigay inay dhacaan Banaanbaxyo rabshada wata “Dhageyso”

Next Post

Geedka Daa waa noloshaadee (FAALLO)

Next Post
Geedka Daa waa noloshaadee (FAALLO)

Geedka Daa waa noloshaadee (FAALLO)

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Suleymaan,...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha...

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

November 3, 2025
0

Wasiirrada Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad uu Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Howlaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In