Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Geedka Daa waa noloshaadee (FAALLO)

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
April 18, 2019
in Wararka
0
Geedka Daa waa noloshaadee (FAALLO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhirtu waxay ka mid tahay Khayraadka Rabbi uu ku maneystay dadka iyo noolaha kale waxayna u leeyihiin manaafacaad kala duwan oo la wada garanayo, balse marka laga yimaado manaafacaadkaasi waxaa jira faaโ€™iidooyin muhiim ah oo ay dhirtu leedahay, kuwaasi oo nolosha u bahan tahay, Dhirta waxaa lagu tilmaami karaa Gogosha dhulka waa bilic iyo qurux Eebbe uu ku manaeystay.

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

Magaalada Muqdisho ayaa mar la oran jiray magaaladi cagaarneed waxaayna dhirtu ku beerneed goobaha Jardiinooyinka , Jidadka iyo waliba guryaha, iyadoo halku dhigyada dhirta uu ahaa โ€œhaddaad Geed goyso Geed beerโ€, waxaana sanadadii 1980-maadkii la bixiyay magaca ah โ€œKacaankii Cagaaraaโ€ oo loola jeeday in lagu baraarugsaano dhireynta Caalamka.

Haddaba iyadoo la weyneynayo Xuska maalinta dhirta oo ku beegneyd shalay oo ay bisha Apriil ay aheyd 17-ka, ayaa waxaa lagu kala qabtay Gobolada dalka, waxaana ka qeybgalay masโ€™uuliyiinta maamulada gobolada, waxaana looga hadlay ahmiyadda ay dhirtu u leedahay deegaanka iyo sidii looga hortagi lahaa kooxaha jara dhirta, maadaama ay dhirtu nolol u tahay dadka, Duunyada iyo deegaankaba.

Xubnihii ka hadlay kulankaasi ayaa dhamaantood ku baaqay in la joojiyo jaridda dhirta iyagoo ballan qaaday in Ciidamada iyo shacabkuba ay si wadajir ah uga hortagi doonaan Kooxaha u soo jeestay jarista dhirta oo laf dhabar u ah nolosha dadka iyo duunyadaba.

Munaasabad lagu maamuusayey maalinta dhirta adduunka oo ay ka qayb galeen masโ€™uuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, taasi oo ay soo agaasimeen Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb galay masโ€™uuliyiin ka tirsan labada Gole ee dowladda, xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale oo munaasabadaasi lagu casuumay, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay 3000, oo dhir ah kuwaasi oo qaarkood lagu beeray goobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen Masjidka Isbaheysiga Islaamka, Barxadda Yaasiin, Taalada SYL iyo darjiinooyin kale oo aad u muhiimsan oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo shalay ka qayb galay xuska maalinta Dhirta Soomaaliyeed, ayaa daah furay olole qorshihiisu yahay in lagu beero Dalka hal milyan oo geed.

Dhiraynta dalka ayaa qeyb ka ah halbeegyada ay wasaaradda Xanaanada xoolahu ku leedahay tubta horumarinta dhaqaalaha, si looga hor tago xaalufinta iyo dhibaatooyinka ka dhasha ee ay kamidka yihiin duufaanta, fatahaadaha iyo abaaraha.

Raโ€™iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in haddii muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu beero hal geed in dalka si wanaagsan loo dhirayn karo, sidaa darteed ay muhiim tahay in laga wada qayb qaato ololaha dhir beeridda dalka.

Haddaba annagoo og ,muhiimada ay dhirtu u leedahay Noolaha ayaa hadda waxaad arkeysaa in waayadaan dambe la arkayo Kooxo badan oo u soo jeestay inay jaraamn dhirta iyagoo aan u aabba yeeleen, si siman, waxaana int badan ay dhigtaan jariddooda lacag ay ka abuuraan Dhuxusha, sidaasi awgeed waa in loo soo jeestaa badbaadinta Dhirta si looga gaashaanto xaaluf deegaaneed iyo Abaaro soo noq-noqda, marka waxaan leenahayย Geedka daa waa noloshaadee.

W.D.C/laahi Ruush

Previous Post

Wasiiru-Dowlaha Waxbarashada oo kulamo kula yeeshay Turkiga Masuuliyiin ka tirsan Dalkaasi

Next Post

Maxkamadda Gobolka banaadir oo u fadhiisatay Dacwada Dilkii Marxuum Axmed Dowle (Sawirro)

Next Post
Maxkamadda Gobolka banaadir oo u fadhiisatay Dacwada Dilkii Marxuum Axmed Dowle (Sawirro)

Maxkamadda Gobolka banaadir oo u fadhiisatay Dacwada Dilkii Marxuum Axmed Dowle (Sawirro)

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa heyโ€™adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In