Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaaladda oo Muqdisho ka furay Shirka joogta ah ee Looga hadlo tayeynta talinta sharciga

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Cadaaladda oo Muqdisho ka furay Shirka joogta ah ee Looga hadlo tayeynta talinta sharciga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay shirka billaha ah ee ay isugu yimaadaan Bahda Cadaaladda Soomaaliya ee heer federal iyo heer Dowlad-goboleed, Xafiisyada Madaxweynaha Iyo Ra’isul wasaaraha’ Wasaarada Qorsheynta iyo Hay’aha Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliyeed ka taageera tayeynta Hay’adaha Cadaaladda.

Related posts

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026

Shirka waxaa lagu soo bandhigay adeegyada muhiimka ah ee lagaarsiiyey bulshada Soomaaliyeed ayadoo ay dhamaan wasaaradaha Cadaaladda ay soo bandhigeen wax-qabadkii bilaha hore ee sanadka 2019. Shirka waxaa wada-shirgudoominayey Wasiirka Cadaaladda XFS Abukaato Xasan Xuseen Xaaji iyo safiirada Nederland  iyo EU.

Dhinaca kale Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Garsoorka XFS ayaa soo agaasintay shirka lagu ansixiyo mashaariicda laxirirta Cadaaladda iyo Asluubta ee lagu taageero Dowladda Soomaaliyeed (programme steering committee) waxaana lagu soo bandhigay shirka barnaaminyada mudnaanta gaarka ah u leh Dowladda Soomaaliyeed ee laxiriira Cadaaladda iyo Asluubta.

Shirka waxaa la isku raacay in si electronic ah lagu ansixiyo barnaamijka Asluubta oo ay soo gudbiyeen Hay’adda UNODC, iyadoo hoosta laga xariiqay in la dar-dar galiyo howlaha socda ee qorshaha sanaka 2019.

Wasiirka Cadaaladda XFS Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo labada shirba guddoomiyay ayaa ka hadlay  waxaana uu sharaxay muhiimada xogta la isku weydaarsaday isu imaatinka.

Shirka xiga ayaa lagu balamay in la iskugu yimaado bartamaha Bisha June 2019.

Previous Post

Argagixiso ka tirsan Daacish oo lagu laayay duqayn ka dhacday Gobalka Bari

Next Post

Kormeerayaal loo tababaray ilaalinta imtixaanka Qaranka+Sawirro

Next Post

Kormeerayaal loo tababaray ilaalinta imtixaanka Qaranka+Sawirro

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u daah-furay tartan...

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

February 18, 2026
0

Senator Xasan Iidow Muxumed Kobac ayaa deeq raashiin afur ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool Gobolka Banaadir,...

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

February 18, 2026
0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillahi Bidhan Warsame, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In