Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa maalintii shanaad guddoomiyey shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta u dhexaysa Dowladda Fedaraalka iyo Dowlad Goboleedyada si guullo wax ku ool ah looga gaaro dadaallada dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah iyo guud ahaan xasilinta dalka.
Shirkan ayaa la filayaa inay ka soo baxaan natiijooyin miradhal ah oo xal waara u noqda caqabadaha siyaasadeed ee Soomaaliya si loo dardargeliyo horumarinta dalka.