Thursday, February 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka cadaaladda oo tababar u furay waakiillo ka socday bahda cadaaladda dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay qaraxii Argagixisada ay la beegsadeen goobo Rayid
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tabbabarkaan oo ku saabsan Hindise sharciyeedka Kaalmada sharciga ayaa maanta waxaa uu ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana furay Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka dalka Abuu-kaate Xasan Xuseen Xaaji, iyadoo ay ka qayb galeen wakiilo ka socda hay’adaha cadaaladda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, xafiiska xeer ilaalinta guud ee Qaranka, ururada bixiya kaalmo sharciyeedka iyo qaar ka mid ah Jaamacadaha.

 

Related posts

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026

Tabbabarka oo socon doona labo maalin ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa Hindise sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka dalka oo dhawaanahaanba diyaarintiisa ay ku howlaneed Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo diyaarinta sharcigaan Wasaaraddu ay la kaashatay Qubaro caalami ah.

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo furay tababarkaan ayaa kula dar daarmay ka qayb galayaasha inay si fiican u daraaseeyaan Hindise sharciyeedkaan oo muhiimad weyn uleh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Hindise sharciyeedkaan waa xeer muhiim ah, waxaan diyaraintiisa la kaashanay Qubaro Caalami ah, waxaa la idinka rabaa inaad ka doodaan daraasad ku sameysaan muhiimadda waxay tahay mawaadiniinta Soomaaliyeed dowladda xaq ma ugu leeyihiin dowladda Kaalmo sharciyeed dabcan waa haa”ayuu yiri Wasiirka Xasan.

Wasiirka ayaa xusay in Wasaaradda ay ku howlan tahay dhowr Hindise sharciyeed oo muhiim u ah Garsoorka dalka, isla markaana ay ka go’antahay in la soo gaba gabeeyo sida ugu dhaw.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Cambaareeyay Qaraxa Argagaxisada ka geysteen Muqdisho

Next Post

Faay Cali Raage… Hooyo iyo Halyey Qaran

Next Post
Faay Cali Raage… Hooyo iyo Halyey Qaran

Faay Cali Raage… Hooyo iyo Halyey Qaran

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka, Kaaliyaha...

Danjire Cabdinuur oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxda Azerbaijan

Danjire Cabdinuur oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxda Azerbaijan

February 25, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa gudbiyay nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsigiisa....

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la afuray shaqaalaha Xafiiska

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la afuray shaqaalaha Xafiiska

February 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan afur ah la qaatay howlwadeennada iyo shaqaalaha Xafiiska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In