Saturday, April 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Goodax oo kormeer ku tagay goobaha uu ka socda imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir Goodax oo kormeer ku tagay goobaha uu ka socda imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodaax barre ayaa maanta kormeer ku tagay inta badan goobaha uu ka dhacayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ee maanta ka biloowday dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

April 18, 2026
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

April 18, 2026

Wasiir Cabdulaahi Goodax Barre ayaa waxa kormeerka ku wehlinayay Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada  iyo Guddoomiye ku xigeynka dhanka arrimaha bulshada gobalka Banaadir Basmo Caamir iyo xubno kale oo ka socday wasaaradda waxbarashada iyo maamulka gobalka Banaadir.

Wasiirka waxbarashada iyo xubnihii la socday ayaa kormeerka ka bilaabay  Jaamacadda Ummadda qeybaheeda ay ka koobantahay Gobalka Banaadir ee imtixaanku ka Socday iyo iskuulka almacaarif oo ay ku sugnaayeen arday araga aan wax ka arag iyo xarumo kale oo dhamaantod ku yaala gobalka banaadir.

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi goodax bare ayaa kormeerka kadib waxa uu ka hadlay habka imtixaanka uu ku biloowday.

“Maanta waxaan kormeer ku tagay qaar ka mid ah iskullada  ku yaalla magaalada Muqdisho oo maanta uu si rasmi ah uga bilowday imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka,”

Imtixaankan waxaa u fadhiistay sodon iyo kow kun iyo shan boqol oo ardey oo ku kala sugan gobolka Banaadir iyo gobollada dalka.

“Waxaan la kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliyeed oo runtii kaalin muhiim ah ka qaatay habsami u socodka imtixaanka  waxaan la kulmay shaqo aad u qurux badan iyo ardey firfircoon oo raba in aqoontooda iyo garaadkooda iyo dadaalkoodii labo iyo tobanka sano ay soo wadeen in ay muujiyaan” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Goodax ayaa sii raaciyay”Dhammaan ardeyda waxay noo sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay markale galan imtixaanka iyaggoo nagu tageeray qaabkii aan u joojinay imtixaankii hore mar hadii uu fashilmay sababtuna ay tahay in ardagu waxa uu shaqeystay uu ku meel maro midka aan shaqeysana islamarkaan doonaya in uu iibsado uusan ka buunda sarey ardeyga dadaalaya.

Wasiirka ayaa dhammaan ardeyda Soomaaliyeed waxa uu u rajeeyay guul iyo horumar.

Previous Post

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug oo sheegay in uu la imaanayo isbadal ka duwan midkii Maamuladii ka horeeyay.

Next Post

Dufcadii 2-aad ee ka mid noqoneysa Booliiska Hir-shabeelle oo Tababar loo furay.

Next Post
Dufcadii 2-aad ee ka mid noqoneysa Booliiska Hir-shabeelle oo Tababar loo furay.

Dufcadii 2-aad ee ka mid noqoneysa Booliiska Hir-shabeelle oo Tababar loo furay.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Agaasimihii hore

April 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay'adda Socdaalka iyo...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaannada Adduunka

April 18, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysa...

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir-Sanadeedka Gugga(Spring Meetings) oo Soomaaliya ay ka qayb gashay sanadkan

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir-Sanadeedka Gugga(Spring Meetings) oo Soomaaliya ay ka qayb gashay sanadkan

April 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(WASHINGTON):-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa ka warbixiyay shir sanadeedka Gugga(Spring Meetings)oo lagu qabtay magaalada Washington....

Ciidanka Xoogga Dalka oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

Ciidanka Xoogga Dalka oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

April 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay bulshada ay abaartu saameysay ee ku nool degmada Raaga Ceelle...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In