Saturday, March 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

James Swan oo loo magacaabay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
James Swan oo loo magacaabay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres ayaa u magacaabay James Swan inuu noqdo Ergeyga cusub ee u qaabilsan Soomaaliya.

Mr James Swan oo ah Diblomaasi u dhashay Mareykanka ayaa bedelaya Ergeygii hore ee Qaramada Midoobey Nicholas Haysom, kaasoo horaantii sanadkan ay dowladda Soomaaliya ka eriday dalka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026

Antonio Gutterres ayaa muddo baadigoobay wakiil cusub, waxaana uu ka fikirayay in Wakiilka cusub uu noqdo nin ka soo jeeda shanta dal ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ku leh codka qayaxan.

Mr. Swan ayaa ah shaqsi qibrad badan u leh xagga diblomaasiyadda, waxaana uu in muddo ah dowladda Mareykanka u qaabilsanaa xagga Qaaradda Afrika iyo dalalka Nicaragua iyo Haiti, sanadihii 2013 iyo 2016 waxa uu ka soo shaqeeyay dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, sidoo kale waxa uu soo noqday Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhexeysay 2011 iyo 2013, Safiirka Mareykanka ee u fadhiya Djibouti intii u dhexeysay 2008 to 2011.

Magacaabidan ayaa ka dambeysay markii muddo lix bilood uusan Xafiiska UNSOM laheyn wax Ergey ah, kaddib eryidii Mr Haysom.

Previous Post

UN Secretary-General appoints Mr. James Swan of the United States as Special Representative for Somalia

Next Post

Tartamayaasha Kismaayo oo markii 2aad oo xiriir ah u soo gudbay kama dambeysta (finalka) tartanka

Next Post

Tartamayaasha Kismaayo oo markii 2aad oo xiriir ah u soo gudbay kama dambeysta (finalka) tartanka

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In