Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Shabeellada hoose oo ka hadlay kormeer ay ku tageen degaanka Bariirre

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka amniga gudaha Koofur Galbeed, Isaaq Cali Subag, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, Ibraahim Cali Aaden (Najax), Xildhibaan Nuur Siidoow oo ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer howleed ku tagay degaanka Bariirre oo laga xoreeyay dhawaan Kooxda Al-Shabaab.

 

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Guddoomiyaha Shabeellada hoose, Ibraahim Aaden (Najax), oo la hadlayay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay safar xagga Lugta ah ku tageen degaanka Bariirre.

Ujeeddada safarkooda ayuu ku sheegay Guddoomiyuhu in ay u kuur galaan xaaladda amni , dhiirri gelinta Ciidanka Xoogga Dalka iyo wax ka ogaashaha baahiyaha ay tabanayaan Shacabka halkaasi ku dhaqan oo kasoo kabanaya dhibaatooyinkii ay gaarsiisay kooxda nabad-diidka.

Mudane; Najax ayaa Shacabka halkaasi ku dhaqan u soo jeediyay in ay garab istaagaan Dowladdooda, kana feejignaadaan dhagarta cadowga, isagoo u ballan qaaday in ay dib usoo celinayaan dhammaan adeegyadii Bulshada ee ay bur-buriyeen Argagixisadu.

Ibraahim Aaden Cali (Najax) Guddoomiyaha Shabeellada hoose ayaa u mahad celiyay taliyeyaasha Ciidamada ku sugan Bariirre iyo degaannada ku dhow-dhow,wuxuuna ku ammaanay sida ay ugu guuleysteen cadowga Al-Shabaab iyo sida ay u xaqiijiyeen amniga Bariirre.

Previous Post

Ciidanka Xoogga iyo kuwa Mareykanka oo weerar ka fuliyey Meel u dhow Tooratoorow.

Next Post

Al-Shabaab oo laga soo furtay xoolo ay dhaceen, lix maleeshiyana laga dilay

Next Post

Al-Shabaab oo laga soo furtay xoolo ay dhaceen, lix maleeshiyana laga dilay

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In