Thursday, September 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay dilkii ka dhacay Gaalkacyo

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta XFS oo si Kulul u Cambaareeyay Qaraxii Argaggixisnimo ee maanta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u cambaareysay ciddii ka dambeysay Shacabkii Soomaaliyeed ee Xalay lagu laayay Koofurta Magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay ka Dowlad ahaan si weyn ugu xun yihiin Dadkii Soomaaliyeed ee lagu laayay Gaalkacyo, kuwaas oo aan waxba galabsan iyo dilkii ka horreeyay ee ka dhacay nawaaxiga Dhuusamareeb.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Wuxuu sheegay in ay ka Dowlad ahaan aad iyo aad u dhaleeceynayaan ciddii ka dambeysay ficilladaas oo uu Wasiirku ku tilmaamay kuwa kala geynaya Shacabka Soomaaliyeed ee muddada badan dhibaataysnaa.

“Waa ficillo aan sharci Islaam ku bannaaneyn iyo sharciga Bini’aaddanka wada nool uu ku dhaqmo toona, oo kala geynaya shacabka Soomaaliyeed ee Walaalaha ah” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wuxuu sheegay in aysan wanaagsanayn in Qof Soomaali ah oo Dalkiisa ku nool, isla markaana aan waxba galabsan baarisna marin in Dhiiggiisa la daadiyo laguna dilo.

Wasiirka ayaa ballanqaaday in Dowladda Federaalka oo kaashanaysa, maamul Goboleedka Galmudug, Oday dhaqameedyada, Culimaa’udiinka iyo wax garadka Soomaaliyeed in ficilkaasi lagu sameeynayo baaris Lixaad leh, oo Dadkii ka dambeeyayna tallaabbo sharciga waafaqsan laga qaado, caddaaladdana la hor geyn doono.

Mudane;Maareeye, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan Eheladii iyo qaraabadii ay ka dhinteen Dadkii lagu laayay Gaalkacyo, iyagana uu Alle u naxariisto.

Wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed faray in ay is dejiyaan, loona daayo Dowladda dhexe in ay caddaalada hor keento Dadkii ficilladan gurracan ka dambeeyay.

Previous Post

Wiil Soomaaliyeed oo abaal-marin ku helay u gar gaaridda dadka soo galootiga ku ah Mareykanka

Next Post

Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay wadihii gaari ku qarxay KM4

Next Post
Taliska booliska oo faah faahin ka bixiyay howlgallo lagu soo qabtay Al-Shabaab “SAWIRRO”

Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay wadihii gaari ku qarxay KM4

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In