Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiil ka socota AMISOM oo booqatay degaanka Bariirre

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Saraakiil ka socota AMISOM oo booqatay degaanka Bariirre
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socda howlgalka midowga Afrika Soomaaliya ee (AMISOM) ayaa booqday degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellada hoose , si ay u qiimeeyaan baahiyaha deg-degga ah ee halkaa ka jira iyo xaaladaha ammanka.

Tuulada Bariirre oo dhowaan laga fara maroojiyay Al-Shabaab, ka dib howlgallo ay si wada jira ah u fuliyeen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM, ayaa waxaa haatan ku soo laabtay inta badan Dadka Rayid ah ee horay ugu barakacay, waxaana soo noqonaya adeegyadii kala duwanaa ee degaanka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Xubnaha ka socday AMISOM ee booqday Bariirre ayaa waxay kulamo la qaateen, Saraakiisha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed , kuwa Midowga Afrika ee halkaasi ku sugan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo ka xog wareystay xaaladda degaanka iyo baahiyaha guud.

Wafigan ka socda AMISOM ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dib loo dhiso Buundada kala qeybisay Tuulada, maaddaama ay dhib weyn ku qabaan isticmaalka Gaadiidka, taasoo ay kal hore jareen Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Yugaandha ee degaanka Bariirre, Patrick Opira, ayaa sheegay in ay Dadku haatan helayaan kalsooni, iyagoo si tartiib tartiib ah ugu soo laabanay Guryahooda iyo Beerahooda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee degaanka Bariirre, Captan, Cabdi Cali Raage, ayaa sheegay in SNA iyo AMISOM ay ku dhiirradeen in ay sameeyaan dedaallo dheeraad ah, si loo yareeyo dhibaatada Dadka gudaha soo gaareyso.

Wuxuuna sheegay in ay Cadowga Al-Shabaab ka xoreeyeen degaannada ku xeeran Bariirre, si ay Dadku u helaan xorriyad ay ugu soo laabtaan Gurayahooda, kuwaas oo markii hore u guuray goobo fogfog.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay Dadku soo wada laabanayaan haddii ay dhisaan Buundada Tuulada, taas oo muhiim u ah isku socodka Dadka iyo Gaadiidka.

Previous Post

Mas’uuliyiin katirsan Safaaradda Soomaaliya ee Bakistaan oo ka qaybgalay Xuska Maalinta Africa

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo Istambul ka furay shirka qurba-joogta +Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo Istambul ka furay shirka qurba-joogta +Sawirro

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo Istambul ka furay shirka qurba-joogta +Sawirro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In