Saturday, February 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada DANAB oo Argagixisada Alshabaab ku sii baacsanayo deegaanno horleh

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Ciidamada DANAB oo Argagixisada Alshabaab ku sii baacsanayo deegaanno horleh
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deegaanka Ceel-saliin oo 20-KM dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeellaha Hoose iskuna xira deegaanada Dhanaane, Gardarshe, Nambar 60 iyo deegaano kale ayaa marin muhiim ah u ahaa maleeshiyaadka Alshabaab, iyagoona ka soo abaabuli jiray falalka argagixisanimo ee lagu gumaado dadka rayidka ah, balse arrintaas waxaa soo afjaray Ciidamada Xoogga dalka ee DANAB oo Nabad diidka si xoog ah uga hor istaagay iney isticmaalaan Waddooyinkaas.

Dadkii ku noola deegaankaas ayaa ka barakacay kadib markii ay ka biya diideen in ay baad  siiyaan maleeshiyaadka argagixisada Alshabaab, taas bedelkeeda argagixisada waxa ay gubeen Ceelbiyoodkii ay cabi jireen dadka deegaanka iyo guryihii ay ku hoyanayeen.

Related posts

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026

Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) taliyaha Ururka 4aad ee Xoogga dalka DANAB oo hogaaminayay Howlgalka ayaa sheegay  in  Ciidamada Xoogga dalka ay ku dadaali doonan  dib u howlgelinta  Ceelkii degaanka Ceel-saliin ee Goblka Shabeellaha Hoose.

Muddo saddex bilood gudahood waxa maleeshiyaadka Alshabaab gacantooda ka baxay deegaano badan oo ay ku dhibaatey jireen dadka rayidka ah, iyagoo ka qaadi jiray lacago baad ah iyo Xoollo nool, waxaana Ciidamada Qaranku ay wadaan howlgallo looga sifeynayo dalka maleeshiyaadka argagixisada Alshabaab oo markii ay u babac dhigi waayeen Ciidamada qalabka sida ku soo jeestay dadka rayidka ah.

Previous Post

Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/Wasaaraha oo la shiray Agaasimayaasha Wasaaradaha Warfaafinta,Kalluumaysiga iyo Tamarta

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Waddo Cusub Dhagax dhigay+Sawirro

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Waddo Cusub Dhagax dhigay+Sawirro

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Waddo Cusub Dhagax dhigay+Sawirro

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

Guddoomiye Cabdi Cali oo loo doortay Madaxweyne kuxigeenka CECAFA

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JABUUTI):-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed, ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda...

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Xeerka Shaqada Soomaaliyeed oo maanta si rasmi ah loo daah furay

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Prof. Salim Caliyow Ibrow, ayaa si faahfaahsan uga...

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LONDON):-Magaalada London ee Caasimadda Dalka UK waxaa xalay lagu qabtay munaasabad si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo...

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya ayaa ku biirtay dhoolatus ballaaran oo ay wadajir u sameynayaan ciidamada badda dalal dhowr ah, kaas oo ujeeddadiisu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In