Friday, May 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka socoto Xudur

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 6, 2019
in Wararka
0
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo magacaabey Wasiiru Dowlayaal.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu gaaro magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Maamulka Gobolka Xudur, kan degmada iyo qeybaha bulshada magaalada ayaa iminka ku sugan garoonka diyaaadaha magaalada, kuwaasi oo diyaar u ah inay ka qeyb qaataan soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Related posts

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025

Sidoo kale cutubyo ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa xoogga dalka ayaa soo gaaray Garoonka, si ay salaan sharaf uga qaataan Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Bakool Maxamed Xasan Cabdiraxmaan ayaa ku soo waramaya in ujeedka socdaalka wafdiga Madaxweynaha Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ay tahay sidii uu xariga uga jari lahaa saldhigga booliska ee magaalada Xudur oo uu kal hore isagu dhagax dhigay iyo sidii uu kulamo ula qaadan lahaa qeybaha kala duwan ee magaalada ku sugan.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay amniga waddooyinka soo gala magaalada Xudur.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre: “Dhamaystirka dhismaha Galmudug waxay fursad inoo siineysaa dhameystirka dagaalka aan kula jirno khawaarijta iyo inaan dalka ka xoreeyno” SAWIRRO

Next Post

Guddigii xaqiiqa raadinta dadkii lagu dilay Gaalkacyo & Dhuusamareeb oo Boosaaso gaaray

Next Post
Al-Shabaab oo khasaaro xoogan loogu geystay weerar ay ku qaadeen Boosaaso

Guddigii xaqiiqa raadinta dadkii lagu dilay Gaalkacyo & Dhuusamareeb oo Boosaaso gaaray

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
0

Ugu yaraan 48 qof ayaa la soo wariyay in ilaa hadda la dilay ,iyadoo 32 ka mid ah lagu dilay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay wabaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka gaarka ah...

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

May 9, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS ayaa horumar ka sameysay heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In