Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhallinyarada sameyneysa howlaha shaqo abuurka ah oo soo badanaya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 8, 2019
in Wararka
0
Dhallinyarada sameyneysa howlaha shaqo abuurka ah oo soo badanaya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa sare u kac laga dareemayaa ka ganacsiga iyo iibsiga dharka hudheyda ah suuqyada magaalada Muqdisho, waxaana ay ganacsatada yar yar ee garab raratada ah ku maareeyaan nolosha reerkooda, kuwaasi oo ka raadiya qutul-daruuriga qoyska.

Dharka iyo alaabada kale ee ay wareejiyaan ayaa waxaa kasii iibsada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool gobolka Banaadir iyo dadka danta yar ee aan awoodin in ay gataan dharka cusub.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Ka ganacsiga Dharka celiska ah ayaa kaalin weyn ka qaata horumarka ganacsiga suuqyada magaalada Muqdisho, maadaama dharka huudeyda ah ay ka shaqeystaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay u noqotay shaqo abuur si ay ugu maareeyaan nolosha reerkooda, iyadoo ganacsatada garab raratada ah ee suuqyada ku wareejiya alaabaha kala duwan ay ku soo badanayaan suuqyada magaalada Muqdisho.

Waxaa farqi weyn laga dareemayaa qiimaha la kala iibsado dharka cusub ee suuqyada magaalada iyo dharka hudheyda ee lagu iibiyo suuqyada kala duwan ee magaalada Muqdisho, iyadoo qiimaha hada la kala iibsado dharka hudeyda ah uu aad u jaban yahay, halka dharka cusub uu qiimahiisu yahay mid aad u sareeyo .

Qaar ka mid ah ganacsatada yar yare ee garab raratada ah iyo dadka ka shaqeeya dharka dhuudeyda ah ayaa tilmaamay inay jiraan farqi yar oo u dhexeeya xagga dharka ah, ayna ka helaan waxyaabo ay ku maareeyaan noloshooda.

Falastiin Aadan Faarax, waxa ay ka mid tahay Haweenka ka ganacsada dharka waxeyna ka warbixineysaa sida ay ugu ganacsato dharka.

“Waxaan ka ganacsannaa dharka Huudheyda ah, aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay weliba xilliba xilliyadan qaboobaha ah ee la joogo, waxaam gadnaa Jaakado, waxaan ka raadsannaa Nolosha reerkeenna Alxamdullilaah” ayay tiri Falastiin.

Waxaa magaalada Muqdisho mudooyinkan ku soo badanaya horumarka dhinaca ganacsiga ah oo ay ka faa’iideysanayaan dhalin yaro fara badan oo horay shaqo la’aan u ahaa, kuwaas oo haatan ka shaqeysta ganacsiga Dharka hudeyda iyo Alaabada kale.

W/D; Muuse Cusmaan Abtoow

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Lagu Soo Dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug “SAWIIRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Lagu Soo Dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug “SAWIIRO”

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Lagu Soo Dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug "SAWIIRO"

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In