Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 8, 2019
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Isniinta maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiga Soomaaliya, mudane Mehmet Yฤฑlmaz.

Wasiir Sadiiq Warfaa oo uu waheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo xubno kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa wada-hadal la yeeshay safiirka dowladda Turkiga, ayada oo wada-hadallada diiradda lagu saaray heshiiskii is afgaradka ahaa ee u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Turkiga.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025

Is-afgaradka ayaa dhigayay in labada dal ay iska kaashadaan horumarinta shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada dhallinyarada.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay safiirka inuu halkan Wasaaradda nagu soo booqdo oo uu arko shaqada ka socota Wasaaradda oo muhiimad weyn u leh dalka.” ayuu yiri Wasiir Sadiiq.

Wasiirka ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay safiirka dowladda Turkiga dedaallada socda ee la xiriira harumarinta Shaqaalaha, taaso uu sheegay in lagu gaarayo helista shaqaalo xirfad wanagsan u leh howl fulinta Qaranka, waxaana uu boggaadiyay garab istaaga dowladda iyo bulshada Turkiga ee Soomaaliya, isagoo marka sheegay inay dowladda Soomaaliya ka go’antahay xiriirka wanaagsan ee labada dal in ay uga faa’iideysato sidii dalka uu mar kale usoo kaban lahaa.

“Farriinta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ee an ku howlgalno ayaa ah in Qarankan loogu shaqeeyo sidii uu markale cagihiisa ugu istaagi lahaa, Turkigana wuxuu ka mid yahay walaalaha garab istaaga muuqda siiyay Soomaaliya xilliga ay u baahneyd.” ayuu ku daray Wasiir Sadiiq.

Safiirka dowladda Turkiga u fadhiga Soomaaliya, mudane Mehmet Yฤฑlmaz ayaa dhankiisa caddeeyay dowladda Turkiga inay saxiixday heshiiska is afgaradka oo marka uu ka soo dhammaado dhinaca dowladda Soomaaliya la guda-gali doono fulintiisa, waxa uuna inta ku daray dowladda Turkiga inay dedaal badan gelinayso sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada, arrimahaa oo uu sheegay inay xoojinayaan dedaalada dib u soo kabashada ee Soomaaliya.

Danjire Mehmet Yฤฑlmazย  ayaa sidoo kale ku dhiirrigaliyay Wasiirka iyo howl-wadeennada kale ee Wasaaradda howlaha ay u hayaan dalka, wuxuuna markale u xaqiijiyay Turkiga inuu garab taaganyahay bulshada iyo dowladda Soomaaliyeed.

Wada-hadallada ayaa marka ay soo dhammaadeen , waxaa Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo safiirka dowladda Turkiga ay si wadajir ah u kormeereen qeybaha ay ka koobantahay Wasaaradda, waxaana dhismayaasha qaar laga arkayay raadadkii ay ku reebeen weerar argagixiso oo Wasaaradda ka dhacay dabayaaqadii bishii Maarso, waxaana Wasiirka uu u caddeeyay safiirka inaysan ku niyad-jabin oo si isxilqaan ah ku dhiseen qeybo muhiim u ah Wasaaradda ,howlaheedunna ay si joogta ah u socdaan.

Previous Post

Wasiirka Maareynta Musiibooyinka Koonfur Galbeed oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas ku nool Xudur “SAWIRRO”

Next Post

Mogadishu Mayor begins a campaign to strengthen social cohesion through sports and community engagement for displacement-affected communities.

Next Post
Mogadishu Mayor begins a campaign to strengthen social cohesion through sports and community engagement for displacement-affected communities.

Mogadishu Mayor begins a campaign to strengthen social cohesion through sports and community engagement for displacement-affected communities.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

Kulan loogu ducaynayo halyeeyadii xoriyadda dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan loogu ducaynayo halyeeyadii xoriyadda dalka oo lagu qabtay Muqdisho

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(MUQDISHO): Munaasabad ay soo qabanqaabiyeen dhallinyarada Caasimada, looguna ducaynayay halyeeyadii u dhintay xornimada dalkeenna ayaa Muqdisho lagu qabtay. Wasiirka...

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In