Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo gabdho qurbo joog ah oo kormeeray Deegaanka Ceeldibir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo gabdho qurbo joog ah oo kormeeray Deegaanka Ceeldibir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo ay wehliyaan gabdho Soomaaliyeed oo ka mid ah qurba joogta reer Galmudug ee Dalka Ingiriiska ayaa kormeer howleed waxa ay ku mari doonaan deegaannada Gobalka Mudug intooda badan, taas oo la xariirta si maamulka cusub ee Gobalku uu xog rasmi ah uga helo baahiyaha dhanka adeegyada bulshada ee ka jira deegaanada, waxaana socdaalkiisa ugu horeeyay uu ku tagay deegaanka Ceeldibir oo mudooyinkii u dambeeyay ay kasoo yeerayeen qeylo dhaan la xariirta adeegyada bulshada kuwaasi oo ay ugu daran tahay adeegyada dhanka caafimaadka.

Wafdiga waxa ay kulan gaar ah la qaateen maamulka deegaankaasi, iyagoo warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Deegaanka Ceeldibir Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale, kaasi oo ka hadlay xaaladda deegaanka gaar ahaan amniga, Waxbarashada, Biyaha iyo Caafimaadka oo uu xusay in uu yahay midka ugu daran ee ay bulshada deegaankaasi ka qeyla dhaaminayeen sanadihii u danbeeyay, isagoo sheegay in gabi ahaanba aysan jirin xarumo caafimaad oo ay gacanta ku hayaan hay’adaha ka shaqeeya Gobalka balse Maamulka oo kaashanaha shacabka iyo ganacsatada deegaankaasi ay iska kaashadeen in si ku meel gaar ah ay u furtaan xarunta Hooyada iyo dhallaanka (MCH) kaasi oo aan dabooli karin baahida caafimaad ee deegaanka ka jirta.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Intaasi kadib ayaa waxa Guddoomiyaha Gobalka Mudug iyo wafdigiisu ay kormeer ku sameeyeen saldhiga ciidanka booliiska, ceelka biyaha laga cabo iyo xarumaha caafimaad ee deegaankaasi oo isugu jiray kuwa xirmay iyo kuwo si ku meel gaar ah usii shaqeeya, iyadoo kormeerka kaddib Guddoomiyaha Gobalka iyo qaar ka mid ah xubnihii qurba joogtaa ee socdaalkiisa ku wehliyay ay sheegeen in ay ku dadaali doonaan in ay caawinaad  ka geysanayaan  baahiyada ka jira deegaankaasi Ceeldibir.

Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Mudug ayaa sidoo kale maalmaha soo socda kormeero xaqiiqo raadin ah oo la xariirta baahiyada adeegyada bulshada ku tegi doona deegaanno fara badan oo ka tirsan Gobalka Mudug.

W/D: Wariye Cabdirisaaq Maxamed Axmed Gaalkacyo

Previous Post

Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda oo booqday Qunsuliyadda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudi Carabiya

Next Post

Guddiga qabanqaabada dib u heshiisiinta Galmudug oo gaaray Dhuusamareeb

Next Post
Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo gaaray Dhuusamareeb

Guddiga qabanqaabada dib u heshiisiinta Galmudug oo gaaray Dhuusamareeb

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In