Monday, July 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo gabdho qurbo joog ah oo kormeeray Deegaanka Ceeldibir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo gabdho qurbo joog ah oo kormeeray Deegaanka Ceeldibir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo ay wehliyaan gabdho Soomaaliyeed oo ka mid ah qurba joogta reer Galmudug ee Dalka Ingiriiska ayaa kormeer howleed waxa ay ku mari doonaan deegaannada Gobalka Mudug intooda badan, taas oo la xariirta si maamulka cusub ee Gobalku uu xog rasmi ah uga helo baahiyaha dhanka adeegyada bulshada ee ka jira deegaanada, waxaana socdaalkiisa ugu horeeyay uu ku tagay deegaanka Ceeldibir oo mudooyinkii u dambeeyay ay kasoo yeerayeen qeylo dhaan la xariirta adeegyada bulshada kuwaasi oo ay ugu daran tahay adeegyada dhanka caafimaadka.

Wafdiga waxa ay kulan gaar ah la qaateen maamulka deegaankaasi, iyagoo warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Deegaanka Ceeldibir Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale, kaasi oo ka hadlay xaaladda deegaanka gaar ahaan amniga, Waxbarashada, Biyaha iyo Caafimaadka oo uu xusay in uu yahay midka ugu daran ee ay bulshada deegaankaasi ka qeyla dhaaminayeen sanadihii u danbeeyay, isagoo sheegay in gabi ahaanba aysan jirin xarumo caafimaad oo ay gacanta ku hayaan hay’adaha ka shaqeeya Gobalka balse Maamulka oo kaashanaha shacabka iyo ganacsatada deegaankaasi ay iska kaashadeen in si ku meel gaar ah ay u furtaan xarunta Hooyada iyo dhallaanka (MCH) kaasi oo aan dabooli karin baahida caafimaad ee deegaanka ka jirta.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026

Intaasi kadib ayaa waxa Guddoomiyaha Gobalka Mudug iyo wafdigiisu ay kormeer ku sameeyeen saldhiga ciidanka booliiska, ceelka biyaha laga cabo iyo xarumaha caafimaad ee deegaankaasi oo isugu jiray kuwa xirmay iyo kuwo si ku meel gaar ah usii shaqeeya, iyadoo kormeerka kaddib Guddoomiyaha Gobalka iyo qaar ka mid ah xubnihii qurba joogtaa ee socdaalkiisa ku wehliyay ay sheegeen in ay ku dadaali doonaan in ay caawinaad  ka geysanayaan  baahiyada ka jira deegaankaasi Ceeldibir.

Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Mudug ayaa sidoo kale maalmaha soo socda kormeero xaqiiqo raadin ah oo la xariirta baahiyada adeegyada bulshada ku tegi doona deegaanno fara badan oo ka tirsan Gobalka Mudug.

W/D: Wariye Cabdirisaaq Maxamed Axmed Gaalkacyo

Previous Post

Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda oo booqday Qunsuliyadda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudi Carabiya

Next Post

Guddiga qabanqaabada dib u heshiisiinta Galmudug oo gaaray Dhuusamareeb

Next Post
Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo gaaray Dhuusamareeb

Guddiga qabanqaabada dib u heshiisiinta Galmudug oo gaaray Dhuusamareeb

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh iyo murugo la wadaagaysaa Jamhuuriyadda...

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In