Saturday, June 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Dowlad K/Galbeed oo xafiiska madaxtooyada maanta ku qaabiley wefdi ballaaran oo hogaaminaayey safiirka Dowladda Qatar+Sawiro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Dowlad K/Galbeed oo xafiiska madaxtooyada maanta ku qaabiley wefdi ballaaran oo hogaaminaayey safiirka Dowladda Qatar+Sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xafiiska madaxtooyada maanta ku qaabiley wefdi ballaaran oo hogaaminaayey safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Dalka Soomaaliya Xasan Binu Xamza oo maanta safar shaqo ku yimid magaalada Baydhabo.

Kulankoodi labada masuul kadib, ayaa Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Ibraahim C/qaadir Maxamed iyo Wafdiga safiirka Dowladda Qatar hogaaminaayey waxey booqasho iyo kormeer ay ku sameeyeen qeybaha kala duwan ee magaalada Baydhabo, sidoo kale waxey booqasho ku tageen xaruumo kala duwan oo ay ka fulinayaan mashaariic kala duwan, waxaana kamid ah xaruun school oo Dowladda Qatar dhismaheeda maalgelineyso.

Related posts

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026

Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed mudane Ibraahim C/qaadir Maxamed iyo Wafdiga Safiirka hogaaminaayay waxey booqasho iyo indha-indheyn ku tageen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Shaati-gaduud ee magaalada Baydhabo, oo Dowladda Qatar mar dhow ka fulineyso dhismooyin lagu horumarinaayo Garoonka diyaaradaha ee Baydhabo kaasoo la doonaayo inuu la jaanqaado garoomada diyaaradaha Caalamka.

Intaasi kadib wafdiga safiirka Qatar iyo agaasimaha guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed waxey kulan muddo qaatey ku yeesheen xaruunta Madaxtooyada, waxayna ka wada hadleen dhismaha iyo horumarinta Madaxtooyada oo safiirka ballan ku qaadey in Dowladda Qatar oo isagu matalaayo ay kusoo kordhin doonaan dhismooyin qurux badan oo naqshadii ugu dambeysay ah, taasoo ay ku doonayaan in Madaxtooyada la simaan ama la mid yeelaan Madaxtooyaalka Caalamka dhawaana ay soo Gabagabeyn doonaan.

Wafdigaan oo hogaaminaayey safiirka Dowladda Qatar u fadhiya soomaaliya ee maanta soo gaareen magaalada Baydhabo waxey horudhac u yihiin wufuud heer caalami ah kuwaasoo maalmaha soo socda kusoo wajahan magaalada baydhabo oo xaruun kumeel gaar u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kuwaasoo daneynayaa horumarinta deegaanada Koonfur Galbeed.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Guddiga Qaban-qaabada Shir-weynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug+Sawirro

Next Post

Xoghayaha Joogta Wasaaradda Qorsheynta XFS ooMagaalada Kigali ee dalka Rwanda uga qeyb galay Aqoon-Isweydaarsiku saabsanaa falanqeynta Sahanka Caafimaadka iyo Macluumaadka dadka Soomaaliyeed.

Next Post
Xoghayaha Joogta Wasaaradda Qorsheynta XFS ooMagaalada Kigali ee dalka Rwanda uga qeyb galay Aqoon-Isweydaarsiku saabsanaa falanqeynta Sahanka Caafimaadka iyo Macluumaadka dadka Soomaaliyeed.

Xoghayaha Joogta Wasaaradda Qorsheynta XFS ooMagaalada Kigali ee dalka Rwanda uga qeyb galay Aqoon-Isweydaarsiku saabsanaa falanqeynta Sahanka Caafimaadka iyo Macluumaadka dadka Soomaaliyeed.

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ku beegan 27-ka Juun, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay u dabbaaldegaysaa sannad-guuradii 49-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa ka qaybgalay...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu...

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Guddiga Qaran ee qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo kormeeray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In