Wasiirka Wasaaradda Qorsheyta Galmudug, Cabdikaafi Maxamed Maxmuud,ayaa faah-faahin ka bixiyay degaannadii ay tageen iyo kulamo ay la yeesheen Bulshadii ay u tageen.
Wasiirka oo sidoo kale xubin ka ah Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug ayaa in ay la kulmeen Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan, Guri-Ceel, Balanballe iyo Caabud-waaq, si ay ugu qeyb galaan shirka oo la filayo in dhowaan lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb.
Wuxuu sheegay Wasiirku in kulanka lagu wado in uu ka qabsoomo Dhuusamareeb lagu turxaan bixin doono waxyaabaha ay kala tabanayaan Bulshada halkaa ku dhaqan, si ay reer Galmudug u dhistaan maamul loo dhan yahay iyaguna ay ka noqon doonaan kor joogto.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheyta Galmudug, Cabdikaafi Maxamed Maxmuud, oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay socdaalka ay ku marayaan degaannada Galmudug ay dhowaan soo gaba-gabayn doonaan.