Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wadatashi ku saabsan Arrimaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle oo lagu qabtay Muqdisho

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wadatashi ku saabsan Arrimaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo ka qeyb galay Kulanka Wadatashiga Arrimaha Webiyada dalka oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Guddiga Dowladda ee arrinkan u xilsaaran in laga sugayo sahan dhammeystiran iyo siyaasadda ku aaddan ka faaiideysiga wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

 

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi, Khuburo ka tirsan Jaamacadaha dalka, Guddiga Diblumaasiyadda Biyaha Xuduudaha ka Gudba iyo Wasaaradaha la shaqeeya, Xubno ka tirsan Bulshada Rayidka ah iyo Xeeldheerayaal Soomaaliyeed oo ku takhasusay khayraadka biyaha ayaa lagu soo bandhigay talooyin wax-ku-ool ah oo ku wajahan diyaarinta siyaasadda biyaha, hannaanka wadaagga biyaha xuduudaha ka gudba ee dalalka dariska ah iyo tayeynta Guddiga heer Qaran ee arrinkas u xilsaaran.

“Shirkani diirada ma saarayo biyaha webiyada oo kelliya ee waxa uu ku saabsan yahay in aan yeelanno siyaasadda ka faaiideysiga biyaha. Waxaa muhiim ah in aan kala hadalno dalalka aan deriska nahay sidii aynu u wadaagi lahayn biyaha wabiyada ee naga dhexeeya, taasna waxaa aasaas u ah in aan marka hore wadatashi iyo xog-isweydaarsi dhexdeenna ah ka yeelanno” Ayuu yiri Dr.Fuursade.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in ay nasiib darro tahay in dadka Soomaaliyeed ay la noolaadaan abaaro iyo caqabado biyo yaraan ah, iyadoo dalkeennu uu kulaalo xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika, sidoo kalena ay ku burqamaan wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Related posts

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026
Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

January 10, 2026

Previous Post

Madaxweyne Waare Oo Dhagax Dhigay Sedex Iskuul Oo Laga Dhisayo Beledweyne.

Next Post

Pictures: China-Arab States Expo attracts around 12,000 participants

Next Post
Pictures: China-Arab States Expo attracts around 12,000 participants

Pictures: China-Arab States Expo attracts around 12,000 participants

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyadoo taageertay...

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee kasoo kala jeeda maamullada Puntland, Jubbaland iyo Waqooyi Bari...

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In