Saturday, April 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Waare oo soo xiray Bandhigga Maalgashiga Ganacsiga iyo Beeraha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Waare oo soo xiray Bandhigga Maalgashiga Ganacsiga iyo Beeraha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa soo xiray Shirwaynaha Bandhigga Ganacsiga iyo maalgashiga Beeraha, kaasi oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday Magaalada Caasimada ah ee Jowhar.

Shirkani ayaa waxaa isku soo duba riday Hey’adda GEEL oo garab ka heleysa Hey’adda USAID, waxaana ka qeyb galay xuhno ka tirsan labada gole ee Dowladda Hirshabelle, Ganacsato, xubno ka soday Shirkadaha Ganacsiga qeybihiisa kale duwan, iskaashatooyinka dhinaca beeraha, Hey’adda ka shaqeeya caafimaadka xoolaha, qubaro iyo Mas’uuliyiin kale.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026
Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

April 11, 2026

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlayay xiritaanka bandhiga ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta ahmiyada dalkani qaniga ku ah kheyraadka uu u leeyahay wax soo saarka dalkeena, waxaana uu ku amaanay intii ka shaqeysay in barnaamijkani uu hirgalo, waxaana uu ku dhiira galiyay shirkadaha ganacsi ee soo bandhigay ganacsigooda ee dhanka wax soo saarka Dalka.

“Dalkeena gaar ahaan Hirshabelle waxa ka buuxa kheyraad fara badan oo u baahan in laga faa’ideysto sidaasi daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan garano muhiimada Wax soo saarkeenu uu inooo leeyahay, waxaana ku dhiira galinayaa Beeraleyda iyo shirkadaha Ganacsiga wax soo saarka in dadaalkoodu ay laba jibaaraan, barnaanijyada noocaan ahna oo Hirshabelle maalgashiga loogu sameynayo waan sii kordhin doonaa insha’allay” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle oo sii hadlay ayaa beeraleyda Hirshabelle ku dhiira galiyay in ay ka dhabeeyaan mira dhalka dadaalka ay ugu jiraan tacbashada wax soo saarka dalkeena, waxaana ka Hirshabelle ahaan uu balanqaaday màdaxaweynaha in beeraleyda iyo xoola dhaqatadaba ay ka saacidi doonaan dhinacyada horumarinta wax soo saarka iyo xoolaha.

Madaxweynaha Hirshabele ayaa codsaday in dowlada federalka ay ka shaqeyso gobolada dalka maadaama horumarka uu ku xiran yahay sugidda nabadgelyada.

Previous Post

Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya oo Dalka Cumaan uga qeyb galay Kulan Muhiim u ah Horumarinta Waxbarashada Dalka.

Next Post

Wasaaradda Qorsheynta DfS oo kulan wadatashi ah la qaatay xubnaha Laanta Fulinta ee Degmada C/waaq “Sawirro”

Next Post
Wasaaradda Qorsheynta DfS oo kulan wadatashi ah la qaatay xubnaha Laanta Fulinta ee Degmada C/waaq “Sawirro”

Wasaaradda Qorsheynta DfS oo kulan wadatashi ah la qaatay xubnaha Laanta Fulinta ee Degmada C/waaq "Sawirro"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland, oo ay...

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika ee ay martigelisay Jaamacadda Yangzhou ayaa...

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay...

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo fashiliyay hub si qarsoodi ah Mooto loogu soo geliyay Muqdisho

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo fashiliyay hub si qarsoodi ah Mooto loogu soo geliyay Muqdisho

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo amni oo shacabka Caasimadda ay gacan ka geysteen ayaa caawa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In