Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ka dib xaflad lagu qabtay xarunta Madaxtooyadda Qaranka waxaana uu noqonayaa sharci rasmi ah oo la adeegsado.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay diyaarinta sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa.
”Musuq-maasuqa kaliya ma ahan lacag la xado waa in qofku masuuliyadda uu hayo si xun ugu takri falo oo si shaqsi ah isagoon ilaahay ka baqeynin isagoon masuuliyadda loo dhiibay tixgalineynin” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Munaasabadda oo si toos ah uga baxaysay warbaahinta Qaranka ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin badan oo ay ka mid ahaayeen wasiirro,xildhibaanno,saraakiisha ciidanka, sharci yaqaanno,culimaa udiinka,ganacsato iyo ururada bulshada rayidka waxaana aad loo wada bogaadiyay in sharcigaan la helo.