Friday, September 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qeyb gashay shirka hay’adda duullimaadyada Rayidka Adduunka ee ICAO

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qeyb gashay shirka hay’adda duullimaadyada Rayidka Adduunka ee ICAO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duullimaadyada Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar), ayaa Magaalada Ontario ee Dalka Kanada kaga qeyb galay shir weynaha Waddamada xubnaha ka ah hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan duullimaadyada Rayidka ah ee ICAO.

Wasiirka oo uu ka qeyb galka shirkaasi ku wehliyo Maareeyaha hay’adda duulista Hawada Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay, maaddaama ay Soomaaliya saaxaadda ka maqnayd muddo dheer.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026

“Soomaaliya runtii waxaa naloo arkayay Waddan yar oo ay ICAO xukunto, wixii saxiix ah ee looga baahda hawada Soomaaliyana hay’addaas ayaa loo mari jira, balse hadda Dowladda ayaa ahmiyadda leh” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Waddamada kulmayaba uu shirkani u leeyahay ahmiyad ballaaran, sida isku xirka, is barashada, is caawinaadda , heshiisyada, bixinta tababarrada iyo soo bandhigidda Technolojiyadda cusub ee ku aaddan duulista Rayidka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan xisaab xir ku aaddan dhowr iyo Labaatankii Sano ee ay hay’addani Hawada Soomaaliya ka maamulaysay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan 193-da Dal ee xubnaha ka ah ICAO ayaa Saddexdii Sanaba mar ka dhaca xarunta hay’adda duullimaadyada Rayidka ah ee Ontario Canada, wuxuuna noqonayaa kulankii ugu horreeyay ee ay Soomaaliya ka qeyb gasho tan iyo 1991-kii.

Shirka ayaa la filayaa in ay ku biiraan wufuud kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya Saacadaha soo socda.

Previous Post

Shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Waddooyinka xiran ee Caasimadda+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Ciidamo Loo Diyaarinayo Howl-Gallada Argagaxisada Dalka Looga Saarayo+Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Ciidamo Loo Diyaarinayo Howl-Gallada Argagaxisada Dalka Looga Saarayo+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Ciidamo Loo Diyaarinayo Howl-Gallada Argagaxisada Dalka Looga Saarayo+Sawirro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In