Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka HirShabeelle Mudane Cali Guudlaawe iyo wafdi uu hogaaminayay oo gaaray Degmada Cadale ayaa xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga Hirgaliyay Degmo Xeebeedka Cadale.
Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka HirShabelle Cali Xuseen Guudlaawe oo socdaal ku tagay Degmada Cadale ay waxaa isugu soo baxay soo Dhoweyntiisa boqolaal Dadweyna ah oo ka tirsan Shacabka Reer Cadale.
Soo Dhoweynta Kadib Madaxweyne Ku xigeenka ayaa Xariga ka jaray Sagaal Mashruuc oo qeyb ka ah horumarinta degmada waxayna kala Yihiin.
1-Dhismaha Xarunta Degmada.
2-Dhismaha Guriga Martida
3-Dhismaha Guriga Hooyooyinka
4-Dhismaha Dugsiga H/Dhexe iyo Sare ee Sheikh Axmed Gabyow
5-Dhisida kawaanka Xoolaha
6- Dhisida Kawaanka Malayga
7-Dhisida Suuqa Khudaarta
8- Garoonka K/Koleyga
9- Taalada Nabada ee Sh Axmed Gabyow.
Sidoo kale Madaxweyne Ku xigeenka waxa uu dhagax dhigay dhismayaal loo sameynayo Saldhiga Booliska Degmada iyo Maxkamada Degmada Cadale.