Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo khudbad kajeediyay madasha Iskaashiga Afrika iyo Ruushka+sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo khudbad kajeediyay madasha Iskaashiga Afrika iyo Ruushka+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Ruushka iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee haatan horyaalla labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda iskaashiga Afrika iyo Ruushka oo uu sheegay in uu yahay mid labada dhinac faa’iido u leh, isagoo xusay tiirarka ay tahay in uu ku saleysnaado xiriir kasta oo iskaashi oo Qaaradda Afrika ay la yeelanayso dalalka Caalamka.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

“Shirweynahani waa fursad dhab ah oo dib loogu eegi karo, laguna sii horumarin karo cilaaqaadka taariikhiga ah ee ay Afrika la leedahay Ruushka iyada oo loo marayo iskaashi iyo wadashaqayn si loo gaaro horumar iyo barwaaqo loo dhan yahay’’.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Ruushka, mashaariicdii iskaashi iyo maalgashi ee labo geesoodka ahaa iyo sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya dib u soo nooleynta xiriirkaas.

“Soomaaliya waxay doonaysaa in ay xoojiso xiriirka laba-geesoodka ah ee ay la leedahay Ruushka iyo inay la shaqayso Midowga Afrika si loo hubiyo in guul laga soo hooyo xiriirka labadeenna dhinac ee la xiriira dhammaan dhinacyada kala duwan”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Madaxda kasoo qeyb gashay Madashan iyo maalgashadeyaasha Caalamiga ah ee goobta joogay in ay soo booqdaan Soomaaliya si ay u soo arkaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, ayna u soo qiimeeyaan fursadaha maalgashi iyo khayraadka uu Alle ku mannaystay dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Ruushka Mudane Vladimir Putin, Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka dalkaas soodhaweynta diirran iyo martiqaadka sare ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso qodobbada wax-ku oolka ah ee kasoo baxay Madashan.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka: Agaasimayaasha guud waa Mashiinka Dowladdu ku dhaqaaqdo

Next Post

Agaasime Ku xigeenka Guud ee HSJ oo tababar usoo xiray Saraakiil ka tirsan HSJ

Next Post
Agaasime Ku xigeenka Guud ee HSJ oo tababar usoo xiray Saraakiil ka tirsan HSJ

Agaasime Ku xigeenka Guud ee HSJ oo tababar usoo xiray Saraakiil ka tirsan HSJ

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In