Wednesday, August 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya Iyo UNDP Oo Billaabay Mashruuc Horumarineed Oo ku kacaya 10 Milyan Oo Doollar

admin by admin
November 12, 2019
in Wararka
0
Soomaaliya Iyo UNDP Oo Billaabay Mashruuc Horumarineed Oo ku kacaya 10 Milyan Oo Doollar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya iyo mashruuca horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa maanta billaabay mashruuca la qabsiga cimilada oo gacan ka geysanaya in bulshada miyiga ku nool ay helaan biya ku filan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ahna ku simaha Ra’iisul  Wasaaraha, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Jocelyn Mason ayaa si wadajir ah u saxiixay mashruuca.

Related posts

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

August 13, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

August 13, 2025

Mashruuca cusub oo afar sano ah waxaa hoggaaminaya xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana dhaqan gelinaya wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha. Mashruuca waxaa ku baxaya 10 malyuun oo doolar, oo $8.5 milyan oo kamid ah uu bixinayo sanduuqa hey’adda deegaanka adduunka, iyada oo 1.5 Milyan ee soo hartay uu bixinayo mashruuca horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP).

Laba ama shan sano kasta gudahood, Soomaaliya waxa ay wajahdaa dhibaatooyin ka dhashay isbedelka cimilada adduunka oo ay kamid yihiin fatahaado, duufaanno iyo abaaro, kuwaas oo qayb ka qaata barakaca bulshada, sarana u qaada tartanka loogu jiro biyaha iyo dhulka

Saameynta ka dhalatay isbedelka cimilada ee sii yareysay kheyraadka biyaha ee makii horaba cariiriga ahaa ayaa sababi kara inuu sii huriyo rabshadaha bulshada dhexdooda ah.

Xoola dhaqatada ayaa ugu nugul isbedelka ku yimaada cilimada sababta oo ah waxa ay xoolahoodu ku tiirsanyihiin oo ay quutaan cagaarka kusoo baxa roobka, badankoodna ma laha dhul daaqsimeed ay gaar u leeyihiin, waxaana aalaaba hareeya muran ka yimaada biyaha

“Waxa aan si xad dhaaf ah ugu faraxsanahay in aan arko billaabashada mashruucaan. in la helo biya nadiif ah waxa ay nolosha u badbaadineysaa si toos ah, sidoo kalana waxa ay si dhaw ula xariirtaa amniga cunnada, dakhliga, yareynta saboolnimada, nabadda iyo amniga.” ayuu yiri Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Jocelyn Mason.

Mashruuca oo si dhaw ula shaqeynaya bulshada, ayaa siinaya tababarro la xariira maamulidda daadadka iyo ilaalinta biyaha.

Previous Post

Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS ee Shirka Caalamiga ah ee Horumarka iyo Dadweynaha

Next Post

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay hoos u dhacday qatartii Fatahaadaha”War-saxaafadeed”

Next Post
Dowlada Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay hoos u dhacday qatartii Fatahaadaha”War-saxaafadeed”

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay hoos u dhacday qatartii Fatahaadaha"War-saxaafadeed"

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

August 13, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kuwait, ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

August 13, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

August 13, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaka diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In