Thursday, May 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay xubno ka tirsan isxilqaameyaasha howlaha Gurmadka Fatahaadaha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay xubno ka tirsan isxilqaameyaasha howlaha Gurmadka Fatahaadaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay xubno matalayey isxilqaameyaasha howlaha Gurmadka Fatahaadaha ee qaar ka mid ah gobollada dalka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan dadaallada gurmadka ee shacabka Soomaaliyeed ay u fidinayaan walaalahooda ku dhibaataysan fatahaadda waxa uu ka dhageystay xubnahan oo isugu jiray culimo, ganacsato iyo dhallinyaro Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

May 13, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

May 12, 2026

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey xubnaha guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee abaabulka howlaha gurmadka fatahaadaha ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey lakulankooda, waxa uuna la wadaagay ku talagalka Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka.

Dhankooda, xubno heer Dowlad Goboleed ah oo ka socday is-xilqaameyaasha howlaha gurmadka Puntland oo kulankan hadallo ka jeediyey ayaa soo bandhigay dareenka walaaltinimo iyo midka taakuleyneed ee bulshada deegannada Puntland ay u muujiyeen walaalahooda ay wax-yeelleeyeen fatahaaduhu.

Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ayaa la wadaagay guddiyadan is-xilqaameyaasha ah warbixin ku saabsan dadaallada dowladdu ay horseedday ee lagu wajahay musiibadan, xaaladda dadka deegannada iyo qorsheyaal heer Qaran ah oo xal waara loogu sameynayo arrimaha fatahaadaha wabiyada.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post

Dowladda Kuwait oo ku baaqday in la ixtiraamo madaxbanaanida iyo xornimada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Next Post
Dowladda Kuwait oo ku baaqday in la ixtiraamo madaxbanaanida iyo xornimada siyaasadeed ee  Soomaaliya.

Dowladda Kuwait oo ku baaqday in la ixtiraamo madaxbanaanida iyo xornimada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

May 13, 2026
0

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeeray qeybaha...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

May 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga...

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

May 12, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

May 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In