Wednesday, October 29, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha dalka Japan

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha dalka Japan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Japan u qaabilsan Soomaaliya.

Danjiraha Boqortooyada Japan Mudane Horie Ryoichi ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka dalkiisa Boqor Naruhito iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Mudane Shinzō Abe, waxa uuna ka mahadceliyay ka qeyb galkii Madasha Iskaashiga TICAD7 ee wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Madaxweynuhu.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Jabuuti

October 29, 2025
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo xilka si rasmi ah ula wareegay

October 29, 2025

Danjire Horie Ryoichi ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran.

Sidoo kale, Dowladda Japan waxa ay balan qaaday in ay qeyb ka noqon doonto qorshaha dowladda ee ku wajahan sidii xal waara loog heli lahaa dhibaatooyinka ay geystaan fatahaadaha Wabiyada, dhawaanna ay gargaar gaarsiin doonaan dadka ku dhibaatoobay fatahaadaha.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjiraha Boqortooyada Japan uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Danjire Horie Ryoichi xilka loo magacaabay, waxa uun tilmaamay in uu soodhaweyn wanaagsan kala kulmayo shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Previous Post

Guddoomiyaha Aqalka sare oo booqday xarunta Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed+Sawirro

Next Post

Doorashada kursiga ka bannaan Golaha Shacabka BFS oo la shaaciyay waqtiga la qabanayo.

Next Post
Kursi ka tirsan Golaha Shacabka oo uu ka baxay Xildhibaan geeriyooday oo la buuxiyay “SAWIRRO”

Doorashada kursiga ka bannaan Golaha Shacabka BFS oo la shaaciyay waqtiga la qabanayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Jabuuti

October 29, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Caasimadda Dalka...

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo xilka si rasmi ah ula wareegay

October 29, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa xilka u kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Waaxda Warfaafinta iyo...

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay munaasabadda aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga  

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay munaasabadda aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga  

October 29, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Amb. Fatxudiin Cali Maxamed (Ospite), ayaa maanta ka qayb galay xaflad heer...

Wasiirka Caddaaladda oo furay wadatashi ku saabsan Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha.

Wasiirka Caddaaladda oo furay wadatashi ku saabsan Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha.

October 29, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta furay kulanka wadatashiga labada Hindise Sharciyeed: Xeerka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In