Tuesday, August 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo ku baaqay in Culimada horsed ka noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo ku baaqay in Culimada horsed ka noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa ka qeyb galay munaasabad soo gootin ah  oo loo sameeyey xubnaha isxilqaameyaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee uu hoggaaminayiyey Sheekh Maxamed Cabdi Umal, kuwaas oo soo gaarsiiyey dalka deeqda ay kaga qeyb qaadanayeen gurmadkii loo fidiyay dadka soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay roobabkii iyo fatahaadahii ku dhuftay qaybo ka mida dalka.

Munaasabaddan oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen  wasiiro, xildhibaanno , culima udiin, iyo waxgarad kale, waxa uu Guddoomiyuhu ugu horeyntii ka codsaday  qaybaha culimada in ay sii dardar geliyaan doorkooda muuqda ee wacyi gelinta bulshada, ilaalinta midnimada iyo la dagaallanka fikirka gurracan ee argagixisada.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026

Guddoomiye Cumar Filish ayaa ku bogaadiyey xubnaha wafdigaan, gaar ahaan Sheekh Maxamed Cabdi Umal doorka hoggaamineed ee uu ka qaatay sidii Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay gacan muuqata uga geysan lahaayeen howlahii gurmadka.

Duqa Muqdisho ayaa la wadaagay culimada Soomaaliyeed sida Maamulka Caasimadda ay uga go’an tahay in ay garabsadaan oo kaalin hormuudnimo ay ka siiyaan barnaamijyada wacyi gelinta, dariseynta iyo dib u heshiinta, asigoo ugu danbayntii faray culimada soomaaliyeed in ay horseed u noqdaan xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.

   

Previous Post

Wasaarada ganacsiga oo sheegtay in ay talaabo la qaadeyso shirkadaha ajaanibta.

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa ka qayb galay kulan duco iyo...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

August 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN DANAB

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN DANAB

August 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In