Saturday, June 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Casho Sharaf u fidiyey Guddigii qabanqaabada Madasha Tiknaloojiyadda ee Muqdisho+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Casho Sharaf u fidiyey Guddigii qabanqaabada Madasha Tiknaloojiyadda ee Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada casho sharaf ugu fidiyey Guddigii qabanqaabada Madasha Tiknaloojiyadda ee Muqdisho, martidii ka qeyb gashay iyo maalgeliyeyaasha waddaniga ah ee ka qeyb qaatay qabsoomidda Shirweynahan.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee sida is-xilqaannimada ah u maalgeliyey qabsoomidda Madasha Tiknaloojiyadda ee Muqdisho, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dhiirri geliyo dhallinyarada maskax-shiilka ah ee ku hamminaya in ay la tartamaan dunida casriga ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga Fasalka 12-aad ee dugsiga sare

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga Fasalka 12-aad ee dugsiga sare

June 20, 2026
Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

June 20, 2026

“Maalgelinta aad u sameyseen barnaamijkan macno weyn ayey leedahay, sababtoo ah waxaad ku dhiirri geliseen dhallinyaradeenna hal abuurka iyo curinta, kuwaas oo fure u ah horumarka dalkeenna iyo sidii aan ula tartami lahayn dalalka kale ee caalamka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyey dhallinyarada qaban qaabisay iyo hal abuureyaasha Soomaaliyeed ee ka qeyb galay Madashan qorshaha Dowladda ee ku qotoma joogteynta bandhigyada hal-abuurka dhallinyarada, diyaarinta qorsheyaal Qaran oo ku wajahan horumarinta tiknaloojiyadda iyo xarummo cilmi bariseed.

Dhankooda, daneeyeyaasha tiknoloojiyadda, guddiga qaban qaabada, maalgeliyeyaasha iyo hal abuureyaasha Soomaaliyeed ee la kulmay Madaxweynaha ayaa la wadaagay miro-dhalka Madasha tiknaloojiyadda ee sanadkan, farriintooda ku aaddan horumarinta dhanka cilmiga iyo dib u kabashada dalka.

Previous Post

Roobab Muqdisho xalay ka da’ay iyo Masuuliyiinta gobolka Banaadir oo tagay meelaha ugu daran “Sawirro”

Next Post

Wasiir Maareeye iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u amba-baxay dalka Talyaaniga

Next Post
Wasiir Maareeye iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u amba-baxay dalka Talyaaniga

Wasiir Maareeye iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u amba-baxay dalka Talyaaniga

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga Fasalka 12-aad ee dugsiga sare

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga Fasalka 12-aad ee dugsiga sare

June 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa saaka magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daahfuray Imtixaanka...

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

June 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga furmaya imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare,...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan ka yeeshay xaaladda bani’aadantinimo ee ka taagan gobolka Baay

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan ka yeeshay xaaladda bani’aadantinimo ee ka taagan gobolka Baay

June 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xalay hoygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

June 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 2-aad ee Hoggaamiyeyaasha Garsoorka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In