Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta daah furtay dib u eegis lagu sameynayo siyaasadda istaraatiijiyadda iyo qorshaha faya dhowrka biyaha Soomaaliya, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka kala socday Wasaaradda Tamarta ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasaaradaha Tamarta ee dowlad Goboleedka dalka ka jira ayaa looga hadlayaa in dib u eegis lagu sameeyo siyaasadda iyo faya dhowrka biyaha.
Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaaradda Tamarta Eng, Cali Maxamuud Xersi ayaa sheegay in siyaasadda biyaha ay aad iyo aad muhiim ugu tahay dalka, gaar ahaan habka dhaqan dhaqaale iyo horumarka dalka, isla markaana la isla meel dhigo qorshihii lagu dhaqan gelin lahaa arrimahaasi
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed oo shirka daah furay ayaa ka qeyb galayaasha ka dalbaday inay si adag uga doodaan hannaanka loo wajahayo in siyaasad laga yeesho biyaha, iyadoo laga tixraacayo kii hore ee ay diyaarisay Wasaaradda.
“Barnaamijkan waxa uu socon doono muddo labo cisho ah, labadaas cisho waxaan rabnaa in wax badan laga eego siyaasadda oo markii hore ku qorneyd luuqad Qalaad, haatanna lagu soo turjumay Afka Hooyo, maanta waxaanu eegeynaa inay sax tahay oo ay is waafaqsanyihiin kii hore ee ay Wasaaraddu diyaarisay, dadka ehelka u ah ayaa ka soo qeyb galay shirka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.
Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa intii u dhexeysay sanadkii 2016-2017 ka soo diyaarisay siyaasadda iyo faya dhowrka biyaha oo ku qornaa afka Qalaad, kaasi oo haatan lagu sameynayo dib u eegis maadaama lagu turjumay afka Hooyo, waxaana la filayaa in marka uu soo dhamaado loo gudbin doono Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya.