Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isu soo bax ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Isu soo bax ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kumanaan dadweyna ah oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ayaa maanta isugu soo baxa ka dhigay dugsiga tababarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye, halkaasi oo ay ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan falalka gurcan oo ay argagixisada ku xasuuqeyso shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo isu soo baxa ka qeyb galay ayaa kula dardaarmay shacabka reerka Muqdisho inay si mideysan meel ugu soo wada jeestan cirib tirka Al-Shabaab iyo sidoo kale inay si gaar ah ula shaqeeyaan ciidamada amniga.

Related posts

Wasaaradda Howlaha guud XFS iyo UN-Habitat oo yeeshay kulan looga hadlayay qorshaha magaalooyinka

Wasaaradda Howlaha guud XFS iyo UN-Habitat oo yeeshay kulan looga hadlayay qorshaha magaalooyinka

January 12, 2026
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026

Isu soo baxan ballaaran ee looga soo horjeeday weerarkii cadawga Ummadda ee Al-Shabaab ka geysatay Ex-koontarool Afgooye ayaa ka qeyb galayaashu waxa ay siteen boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ka dhan ah Al-Shabaab iyo in loo baahanyahay wada shaqeynta laamaha amniga.

Dadweynaha isu soo baxay ayaa lulayay Calanka Soomaaliya, waxaana ay ku dhawaaqayeen ereyo ay Cadowga ku cambaareynayaan.

Shacabka isu soo baxay ayaa sidoo kale lulayay Sawirrada Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyagoo ku ammaanay doorkii ay Dowladdiisu ka qaadatay gurmadka loo fidiyay Dadkii ku waxyeelloobay Qaraxii 28-kii December 2019 ka dhacay Ex- Contarol Afgooye.

 

Previous Post

Shacabka Muqdisho oo loogu baaqay inay garab istaagaan ciidamada amniga

Next Post

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow “Argagixisada waan ka aarsaneynaa ee dhamaanteena aan ciidan noqono”

Next Post
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow “Argagixisada waan ka aarsaneynaa ee dhamaanteena aan ciidan noqono”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow "Argagixisada waan ka aarsaneynaa ee dhamaanteena aan ciidan noqono"

Wasaaradda Howlaha guud XFS iyo UN-Habitat oo yeeshay kulan looga hadlayay qorshaha magaalooyinka

Wasaaradda Howlaha guud XFS iyo UN-Habitat oo yeeshay kulan looga hadlayay qorshaha magaalooyinka

January 12, 2026
0

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku qabatay hoolka Wasaaradda kulan heer sare ah oo ay...

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa kulan fogaan-arag ah la...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si...

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026
0

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In