Friday, May 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isu soo bax ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Isu soo bax ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kumanaan dadweyna ah oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ayaa maanta isugu soo baxa ka dhigay dugsiga tababarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye, halkaasi oo ay ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan falalka gurcan oo ay argagixisada ku xasuuqeyso shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo isu soo baxa ka qeyb galay ayaa kula dardaarmay shacabka reerka Muqdisho inay si mideysan meel ugu soo wada jeestan cirib tirka Al-Shabaab iyo sidoo kale inay si gaar ah ula shaqeeyaan ciidamada amniga.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026

Isu soo baxan ballaaran ee looga soo horjeeday weerarkii cadawga Ummadda ee Al-Shabaab ka geysatay Ex-koontarool Afgooye ayaa ka qeyb galayaashu waxa ay siteen boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ka dhan ah Al-Shabaab iyo in loo baahanyahay wada shaqeynta laamaha amniga.

Dadweynaha isu soo baxay ayaa lulayay Calanka Soomaaliya, waxaana ay ku dhawaaqayeen ereyo ay Cadowga ku cambaareynayaan.

Shacabka isu soo baxay ayaa sidoo kale lulayay Sawirrada Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyagoo ku ammaanay doorkii ay Dowladdiisu ka qaadatay gurmadka loo fidiyay Dadkii ku waxyeelloobay Qaraxii 28-kii December 2019 ka dhacay Ex- Contarol Afgooye.

Previous Post

Shacabka Muqdisho oo loogu baaqay inay garab istaagaan ciidamada amniga

Next Post

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow “Argagixisada waan ka aarsaneynaa ee dhamaanteena aan ciidan noqono”

Next Post
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow “Argagixisada waan ka aarsaneynaa ee dhamaanteena aan ciidan noqono”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow "Argagixisada waan ka aarsaneynaa ee dhamaanteena aan ciidan noqono"

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aysan diyaar u ahayn in ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in midnimada shacabka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u tahay geeddi-socodka dib...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In