Thursday, September 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo diray hambalyo ku aaddan sanadguurada 56aad ee Wakaaladda SONNA

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 5, 2020
in Wararka
0
Madaxda Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo diray hambalyo ku aaddan sanadguurada 56aad ee Wakaaladda SONNA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Md. Max’ed Cabdi  Xayir Maareeye, Wasiir ku xigeenka  Md.Aadan  Isaaq Cali, Agaasimaha Guud Md.C/raxmaan yuusuf Sheekh Al- Cadaala, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Md.Cali  C/qaadir Cali (Cali Maykal) iyo dhamaan agaasimayaasha waaxyaha warfaafinta ,waxay hambalyo u direen dhamaan howlwadeennada  warbaahinta Qaranka, gaar ahaan maamulka iyo wariyayaasha  SONNA, munaasabadda sanadguurada 56aad eek a soo wareegtay markii la aasaasay oo ku beegan  5/1/1964tii.

Musuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta waxay xuseen muhiimadda Wakaaladda SONNA iyo doorka shariifka ah ay kaga jirto warbaahinta dalka, waxayna u rajeeyeen  howlwadeennada  wakaaladda in ay sii labanlaabaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta iyo dib u soo celinta, doorkii SONNa ay ku lahayd warbaahinta Caalamka.

Related posts

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

September 11, 2025
Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

September 11, 2025

Dhanka kale Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Cali  C/qaadir Cali (Cali Maykal) oo ka hadlayay muhiimadda munaasabadda Wakaaladda SONNA ayaa  sheegay in wakaaladda la aasaasay 5/1/1964tii, waxayna ahayd isha rasmiga ah ee wararka dalka.

“1964—1990kii Wakaaldda SONNA waxay dabooshay baahida wareed ee dalka, waxayna ka dhex muuqatay  dhinaca war isdhaafsiga Wakaaladaha Wararka ee caalamka.”sidaasi waxaa yiri Agaasimaha Wakaaladda SONNA.

Mudane Cali Maykal  wuxuu xusay in Wakaaladda ay xarumo ay ku lahaan jirtay dhamaan 18 gobol ee dalka, halkaasi oo ay u joogeen wariyayaal khibrad warbaahineed leh, waxay ahayd isha Wararka Soomaaliya laga soo xigto, xiriir war isdhaafsi iyo wada shaqayna waxay la lahayd inta badan Wakaaladaha wararka Caalamka.

Agaasimaha SONNA Mud. Cali  C/qaadir Cali (Cali Maykal) wuxuu tilmaamay in wakaalladda Wararka Soomaaliyeed ay ka mid ahayd hay’adihii qaranka ee uu saameeyay burburkii dalka ka dhacay,balse nasiib wanaag wakaaladda  hadda way soo kabanaysaa, waxayna cagta saartay wadadii ay ku gaari lahayd inay soo ceshato doorkeedii  warbaahineed ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, wuxuuna  agaasimuhu hawlwadeennada SONNA u rajeeyay in sanadkaan sanadkiisa kale ku gaaraan horumar iyo inay ka dhabeeyaan dhaqan galinta qorshayaasha ay hiigsanayaan.

Previous Post

Wakaaladda Wararka SONNA oo u dabbaaldageysa Xuska 46-aad (Warbixin)

Next Post

Bandhigga safarka iyo dalxiiska Soomaaliya oo Ka furmay Magaalada Muqdisho.

Next Post
Bandhigga safarka iyo dalxiiska Soomaaliya oo Ka furmay Magaalada Muqdisho.

Bandhigga safarka iyo dalxiiska Soomaaliya oo Ka furmay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

September 11, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, ayaa caawa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta...

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

September 11, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad ay Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ku wareejinaysay...

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

September 11, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Laascaanood, caasimadda dowlad...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

September 11, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee maamulka Israa’iil u gaystay dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In