Guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud Aadan Sheekh Cali (Fiidow) iyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jarey xafiisyo loogu adeegayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba, kaasi oo laga hir galiyay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha demada Wadajir Cabdiracxmaan Maxamed Aw-Cali ayaa sheegay in maamulkiisu mudnaan gaar ah siinayo wax u qabashada dadka naafada ah.
Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) ayaa tilmaamtay in ka maamul ahaan ay mas’uuliyad ka saarantahay u adeegidda dadka aan lixaadooda dhameystirneyn.
Sidoo kale mas’uuliyiinta ka socday maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay dhagax dhigeen garoonka Ciyaaraha Degmada oo ku burburay qaraxii ka Dhacay Degmada.
Guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guudee Gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali (Fiidow) ayaa kula dardaarmay shacabka Wadajir in ay ka qeyb qataan dhismaha garoonka kubada lagu ciyaaro, si loogu qabto tartamo isboorti oo ku saabsan isdhexgalka bulshada.
Dhanka kale Guddoomiye Basma ayaa maamulka iyo shacabka Degmada Dharkeenley kala qeyb gashay olole nadaafadeed oo dib loogu soo celinayo,bilicdii Degmada, waxa ayna ku boorisay inay sii wadaan dadaallada ceynkaan oo kale ah.