Saturday, August 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga QM ee cunaqabateynta Hubka+sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga QM ee cunaqabateynta Hubka+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan deegaannada Dowladdu ay ka xoreysay argagixisada Alshabaab, qorshaha dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalka lagu dabar-gooynayo fikirka xagjirnimada.

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Guddiga Qaramada Midoobey ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Danjiraha dalka Belgium Mudane Marc Pecsteen in dib u eegid lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta saaran dalkeenna, iyadoo lagu jaan-gooynayo taageerada muhiimka u ah ciidamada Soomaaliyeed, si ay u soo afjaraan dagaalka argagixisada lagaga sifeynayo dalka.

Related posts

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay dadaallada wax-ku-oolka ah ee Dowladdu ay ku mideysay qorshaha wadajirka ah ee dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, diyaarinta sharciyada lagu wiiqayo ilaha dhaqaale ee argagixisada iyo dhismaha Xafiisyada Amniga Qaranka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Golaha Ammaanka iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nabadeynta iyo xasilloonida waarta.

Previous Post

Qorshaha Arrimaha bani’aadanimo ee Soomaaliya oo sanadakan 2020 lagu caawin doono 3 Milyen oo qof +sawirro

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xarigga ka jaray chanellka 2-aad ee Tvga Qaranka (SNTV2)+sawirro

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS oo xarigga ka jaray chanellka 2-aad ee Tvga Qaranka (SNTV2)+sawirro

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xarigga ka jaray chanellka 2-aad ee Tvga Qaranka (SNTV2)+sawirro

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS ahna ergayga u qaabilsan Soomaaliya Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane...

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026
0

Maareeye Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiraxmaan Saciid ayaa ka qaybgalay Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybqaadanaysa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybqaadanaysa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka

August 20, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS Mudane Hamza Haadoow, ayaa maanta kormeer ku...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

August 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In