Wednesday, August 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dib u dhiska lagu sameeyay qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 23, 2020
in Wararka
0
Dib u dhiska lagu sameeyay qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magaalada Muqdisho laga fuliyay horumaro dhinacyada dib u dhiska waddooyinka magaalada ah, iyadoo intooda badan waddooyinka muhiimka ah ee burbursana uu dib u dhis iyo dayactir ku sameeyay Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya maamulada degmooyinka

Waddooyin muhiim u ahaa isusocdka dadka iyo gaadiidka ayaa waxaa lagu guuleystay in dayactir iyo dib u dhis lagu sameeyay, taasi oo ay ka qeyb qaateen maamulada degmooyinka Gobolka banaadir waxaana  mashaariicdan dayactirka iyo dib u dhisla  loogu sameeyo wadooyinkaasi ay qeyb weyn ka qaadanayaan soo celinta bilicda caasimadda magaalada Muqdisho

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

August 13, 2025
Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

August 13, 2025

Iyadoo ay jiraan horumarada dib looga dhisayo wadooyinka halbowlaha u ah caasimadda ayaa hadana waxaa jira waddooyinka qaar oo aan helin  dib u dhis iyo dayactir, waxaana ay sheegeen qaar ka mid ah maamulada degmooyinka in ay wadaan howlaha dib loogu dhisayo waddooyinka aan helin dayactirka ee haatan bur bursan

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha bulshada degmada Waaberi  ee gobolka Banaadir Cali Cabdiqaadir Faarax ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay howlaha dib loogu dhisayo waddooyinka.

Guddoomiyaha Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cisman Jaamac ayaa  sheegay in ka maamul ahaan wadaan qorshe cusub oo dib u dhis loogu sameynayo waddooyinka aan dayactirneen, wuxuuna ugu baaqay bulshada in ay ilaashadaan waddooyinka hadda la dhisay.

Muddooyinkan ayaa maamulka Gobolka Banaadir waxa uu waday howlo dib u dhis iyo dayactir lagu sameynayo guud ahaan waddooyinka dhexmara caasimadda magaalada Muqdisho.

W/D: Ustaad Muuse Abtow

Previous Post

Somalia witnesses a change in the fight against Al-Shabaab in the town of Sabiid Lower Shabelle region

Next Post

Wafdi ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Jowhar

Next Post
Dhageyso: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Jowhar

Wafdi ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo gaaray Jowhar

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

August 13, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

August 13, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaka diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In