Munaasabad abaal marinno kala duwan lagu guddoonsiinayay Dadkii ku guuleystay kuwaasoo isugu jira Tigidho, ballan-qaadyo shaqo iyo Lacago Kaasha ah ayaa Xalayto lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan oo muddooyinkii dambe soo socotay ayaa waxaa qaban-qaabadeeda iska kaashaday waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Wasaaradda duulista Hawada, hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda iyo xarunta Somtex oo ka caawinaysa xagga Tikidhada.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay ujeeddada ugu weyn ee ay munaasabaddani u qabteen tahay inay tahay soo nooleynta iyo dhiirri-gelinta Dalxiiska Soomaaliya.
Mudane; ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya uu yahay mid u samaysan Dalxiiska, inta badan Gobollada Waddankuna ay leeyihiin Xeebo lagu damaashaadi karo, wuxuna aad ugu mahad celiyay hay’adihii shirkadihii iyo mutaddadawaciintii kala shaqeeyay barnaamijkan.
Intii ay munaasabaddani socotay ayuu Wasiirku ballan qaaday inuu wax u qabanayo xubno ka mid ah Dadka baahiyaha gaarka ah qabo oo goobta ku sugnaa isaga oo la kaashanaya Madaxtooyada Qaranka.
Wasiir Maareeye ayaa milkiilayaasha Shirkadaha Dalxiiska ka shaqeeya, Hoteellada waaweyn, Shirkadaha Travel Tourisim-ka faray in ay laga bilaabo Maanta ay isa soo diiwaan geliyaan, si ay wasaraddu u siiso tababarro iyo talooyin, ulana wadaagaan shaqada ay qabanayaan.
Munaasabad oo ku saabsanayd abaal marinta safarka iyo Dalxiiska oo uu hal-kudhiggeedu ahaa aynu aragno dhinaca wanaagsan ee Soomaaliya ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Dadkii kaalinta weyn ka geystay barnaamijkan iyo shirkadihii ballan-qaadyada sameeyay.