Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjoogihii Al Shabaab Ee Horkacayay Weerarkii Manda Bay Oo La Khaarajiyay

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Horjoogihii Al Shabaab Ee Horkacayay Weerarkii Manda Bay Oo La Khaarajiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho,26 Feb 2020……Duqeyn cirka oo si habsami leh  looga soo liishaamay ayaa lagu dilay hogaamiye Alshabaab oo lala xiriirinayo weerarkii Manda Bay ee lagu dilay askar Mareykan ah oo Alshabaab la dagaalanta.

Hubin lagu sameeyey weerarkii duqeynta kadib ayaa lagu xaqiijyey in mid ka mid labadii argagaxiso ee lagu dilay weerarkii habeysnaa ee ka dhacay meel u dhaw magaalada Saakow Jubbada Dhexe ee Feberaayo 22-keedii uu ahaa shaqsi lala xiriirinayo weerarkii Alshabaab ee Manda Bay, Kenya. Waxa lagu garanaayay inuu madax ka ahaa qorshaynta  iyo agaasimidda hawlaha argagaxiso ee ku wajahan xuduudda Kenya ee uu ku jiro kii dhawaan ka dhacay Manda Bay.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Aragagaxisada labaad ayay ahayd xaaskiisa oo ahayd mid xeelad badan iyo firfircoon, kana tirsanayd Alshabaab, iyada oo uga mas’uul ahayd fududeynta hawlgalo kala duduwan. Weerarkan ayaa muujinaya in jinsiga uu doonaba ha ahaadee ay argagaxisada Alshabaab ee kadambeeyey weerarrada aan loo meeldayin ee lala eegtay shacabka Soomaaliyeed oo aan wax ba galabsan la jabin doono.

Dowladda Soomaaliya, Taliska Ciidanka Dowladda Mareyka (AFRICOM), iyo AMISOM way sii wadayaan tallaabooyinka ka dhanka ah Alshabaab, si looga hortago canaasiirta kooxda argagaxisada ah in ay qorsheeyaan ama gaystaan weerarro, gaar ahaan ay u gaystaan waxyeello ragga, dumarka iyo carruurta ku nool Soomaaliya.

Horumar la taabankaro ayaa horey loo qaaday oo marna dib loo laaban maayo. Ciidankeena Xoogga Dalka, Danab iyo ciidamada aynu jaalka nahay ayaa guulo ka sammeeyey dhulalka xudunta u ah Alshabaab ee Koonfurta Soomaaliya , iyada oo dhulkii  lala wareegay gacanta lagu hayo difaacyana laga sameeyey fooraha.

Previous Post

RW Kheyre: Bogga cusub ee siyaasada Soomaaliya (Qormo)

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In