Sunday, September 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Hindise Sharciyeedka Hey’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda iyo Xeerka Lahaanshiyaha Xuquuqda Daabacaadda

admin by admin
February 27, 2020
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Hindise Sharciyeedka Hey’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda iyo Xeerka Lahaanshiyaha Xuquuqda Daabacaadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Khamiis, Feberaayo 27, 2020—Golaha Wasiirrada xukuumadda fedraalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen Hindise Sharciyeedka hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Hindise Sharciyeedka Socdaalka, Xeerka lahaanshiyaha xuquuqda Daabacaadda, siyaasadda waxbarashada dalka iyo Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska.

Kulanka golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Sharciga abuurka iyo Noocyada Dhirta, Sharciga Badbaadinta dhir-beereedka, siyaasadda Qaran ee Bacrimiyayaasha, siyaasadda Qaran ee dulin-dilayaasha, sharciga hey’adaha adeegyada baaritaanka beeraha iyo sharciga xakameynta kiimikooyinka beeraha.

Related posts

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

September 6, 2025
Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay shirka amniga

Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay shirka amniga

September 6, 2025

Shirka oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxaa kale oo lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Filimada iyo heshiis is-af-garad ah oo dhex maray wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada iyo shirkadda SAT Service LLC ee dhistay hoteelka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabulle.

Dhammaan Hindise Sharciyeedyada iyo Siyaasadaha qaran ee golohu meel mariyay ayaa qayb ka ah dadaallada ay xukuumaddu ku dooneyo in howlaha iyo adeegyada shacabka Soomaaliyeed u heyso lagu saleeyo, lagana tix raaco sharciyo iyo siyaasado cadcad oo si hufan loo diyaariyay.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo booqday xarumo ku yaala Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo Kenya ka dalbatay inay joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay

Dowladda Soomaaliya oo Kenya ka dalbatay inay joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

September 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa daah-furay shir muhiim ah oo looga hadlaayay xoojinta...

Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay shirka amniga

Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay shirka amniga

September 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Koonfur-galbeed oo looga hadlay xaqiijinta amniga iyo...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray laanta hoggaanka dambi baarista ee CID

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray laanta hoggaanka dambi baarista ee CID

September 6, 2025
0

RADI MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeer shaqo ku tagey Xarunta Hogaanka Baarista Dambiyada...

Ciidamada NISA oo hawgal qorsheysan ku dilay tobaneeyo Khawaarijta ah

Ciidamada NISA oo hawgal qorsheysan ku dilay tobaneeyo Khawaarijta ah

September 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In